Muqdisho (Alshahid)-War qoraal ah oo maanta kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha Xisbul Islam u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in mudo kordhin lagu sameeyay mudadii horay loogu qabtay ragga ku dhaqan gobolk Banaadir in ay daystaan garka ayna gaabiyaan shaarubka.
Gudoomiyaha Xisbul Islam ee gobolka Banaadir; Macalin Xaashi Maxamed Farax oo warka ku saxiixnaa ayaa sheegay in mudadii ay amarka ku bixiyeen in garka lagu dayso uu ku daray 20 cisho taasi oo ku haatan ku ekaanayso 10ka bisha inagu soo foolka leh.
Macalin Xaashi ayaa ku micneeyay mudada ku kordhintay in ay ka dambeysay codsi kaga yimid qaar kamid ah ragga ku dhaqan gobolka Banaadir kuwasi oo codsaday in waqtiga loo kordhiyo.
Dhawaan ayey ahayd markii Macalin Xaashi uu soo saaray amarka garka lagu daysanayo, shaarubkana lagu gaabinayo kaasi oo uu ku sheegay cidii ka hor imaado in ay marin doonaan sharciga Islamka.
Culima badan oo Soomaali ah ayaa amarkaasi cambaareysay iyaga oo sheegay in arrinka uu yahay mid Sunna ah aysana jirin wax qasab la yiraahdo oo lagu fulin karo.