عربي - English - Soomaali
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada. | Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed. | Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo. | Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay. | Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay. | Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya. | Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan. | Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay. | Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland. |

Madaxda sar sare ee Alshabab iyo Xizbul Islam oo kulmay.

11 March, 2010

Muqdisho (Alshahid) – Waxaa kulan aan lasii shaacin uu kudhaxmaray deegaanka Ceelasha Biyaha hogaamiyaha Xizbul Islam Sheekh Xassan Dahir Aways iyo rag sar sare oo katirsan Alshabab uuna kamid yahay Sheekh Mukhtar Robow.

Saraakiisha Alshabab oo kayimid dhinaaca Kismayo halkaas oo ay baryahan wadaxaajood kulahaayeen ayaa waxa ay ugu tageen Xassan Dahir Aways deegaanka Ceelasha Biyaha si ay uga wada hadlaan xaalada cakiran ee dhax taala labada urur taasoo kasii daraysay baryahan.

Wararka uu Alshahid kahelayo deegaankaasi ayaa sheegaya in intii uu kulankani socday la adkeeyay amaanka goobta iyo in la joojiyay gaadiidka soo galayay misa kabaxayay deegaankaasi.

Lama oga waxa ay isku afgarteen labada dhinac sababtoo ah majirin wax warbaahin ah oo lagu casuumay kulanka.

Khilaafka u dhaxeeya Alshabab iyo Xizbul Islam ayaa sii xumaaday kadib markii ay dhowr jeer iska hor imaad uu ku dhax maray gobolada Jubooyinka. Sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in ay Alshabab ka dambeysay dil loogu geystay suuqa Bakaaraha dhaxdiisa Sarkaal sare oo Xizbul Islam katirsanaa bilowgii todobaadkan.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /