Kampala (Alshahid)-Hogaamiyayaasha dalalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa kullan ku qaatay caasimada Kampala iyaga oo kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo lagu casuumay xarunta Madaxtooyada Uganda ayaa u gudbiyay dhigiisa Uganda tacsi, isagoo u sheegay inuu ka xun yahay qaraxyadii 11-ka bishan lagu weeraray Kampala, kuwaasoo galaaftay nolosho dad kor u dhaafaya 70-ruux.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif waxaa uu kaga mahad celiyay Uganda taageerada had iyo jeer ay dowladdiisa la garab taagan tahay uuna ka rajeynayo in dowladdiisa wax weyn kabadali doonto haddii sida lagu heshiiyay looga dhabeeyo.
Madaxweynaha Uganda; Yuweri Museveni ayaa u sheegay Madaxweyne Shariif in ciidamo dheeraad ah u soo dirayo Soomaaliya si ay u xoojiyaan dowladda KMG iyo si uu uga difaaco qorsheyaasha ay wataan kooxaha mucaaradka ah ee Soomaaliya kusii xoogaysanaya.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Museveni uu u ballan qaaday Sheekh Shariif in xarumaha dowladda Soomaaliya marnaba in aysan soo gaari doonin kooxda Alshabab isla markaasina dadaal waliba ay arrintaasi ku bixin doonaan.







