Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya; Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta barqadii kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Adde International Airport kadib markii uu dalka ka maqnaa muddo laba todobaad ah.
Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi balaaran oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaano iyo shaqaalo katirsan kuwa madaxtooyada ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda KMG oo u badnaa xildhibaano.
Madaxweyne Sharif ayaa markii uu soo dagay waxa uu hadal kooban siiyay saxaafada isaga oo sheegay in ururka Alshabab ay dalka wakiil uga yihiin urur weynaha Alqaacida ayna dhibaato joogta ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo waliba wadamada dariska ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa loo sii galbiyay xaruntiisa Villa Soomaaliya waxaana lagu kexeeyay gawaarida qafilan ee ay AMISOM leedahay.
Madaxweyne Sharif ayaa socdaal kusoo kala bixiyay wadamad; Masar,Talyaaniga, Chad iyo waliba Uganda oo uu uga qayb galay kullankii Madaxda Midowga Afrika kaasi oo lagu soo qaaday xaalada amaan ee Soomaaliya iyo khatarta ururka Alshabab uu ku haayo Geeska Afrika.







