Madaxweyne Sharif oo Nairobi kula kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka.

Nairobi (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya; Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa caasimada Nairobi soo gaalay galinkii hore ee shalay, waxaana uu tan iyo xalay kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Nairobi mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka iyo waliba safiirka Soomaaliya u jooga Nairobi.

Diblomaasiyiinta uu Madaxweyne Sharif la kulmay ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiinta safaarada Maraykanka ee Nairobi iyo waliba kuwo ka socda Midowga Europe.

Wax yaabihii uu Madaxweyne Sharif kala hadlay mas’uuliyiintaas ayaan weli la shaacin balse ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow wafdiga Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrinta amaanka Soomaaliya iyo khatarta ururka Alshabab ay ugu weynaayeen qodobada kulamadaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne Sharif ayaa kullan la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi; Maxamed Cali Ameriko kaasi oo ay kawada hadleen xaalada qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya ku sugan.

Madaxweyne Sharif ayaa waxaa uu dhawaan ka qayb galay kullankii madaxda Midowga Afrika kaasi oo ajandaha ugu weyn uu ahaa xaalada amaan ee Soomaaliya iyo sidii ciidamo dheeraad ah loo kkeeni lahaa.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>