Qaahira (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya; Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka duulay caasimada Masar ee Qaahira halkaasi oo ay muddo 2 maalin ah ku sugnaayeen.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin wasiiro, xildhibaano iyo waliba qaar kamid ah howl wadeenada xafiiska Madaxweynahayaa u duulay Rome; caasimada Talyaaniga halkaasi oo la filayo in ay kullan kula yeeshaan madaxda dalkaasi.
Intii uu joogay Qaahira ayaa Madaxweyne Sharif waxa uu kullan la qaatay dhigiisa Masar; Maxamed Xusni Mubaarak oo uu uga waramay xaalada ay maanta ku jirto Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow wafdiga Madaxweyne Sharif ayaa sheegaya in labada mas’uul ay kawada hadleen sidii dowladda Masar ay taageero buuxda ugu fidin lahayd dowladda KMG la islana meel dhigay arrimo dhowr ah.
Sidoo kale Madaxweyne Sharif ayaa la kulmay xoghayaha guud ee Jaamaca Carabta; Caamir Musa oo uu kala hadlay sidii dalalka Carabta ay u taageeri lahaayeen dowladda KMG.
Madaxweyne Sharif ayaa lagu wadaa in uu Roma kula kulmo wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi; Franco Frattini ayna kawada hadli doonaan arrimo ay kamid tahay colaada Soomaaliya ka jirta.