London (Alshahid) – Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa xalay kula hadlay boqolaal qof oo Soomaalida Britain ah masrax kayaalo bariga London.
Madaxweyne Sharif oo halkaasi kajeediyay khudbo uu kaga hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin xaalada haatan ee Soomaaliya, Soomaalida qurbo jooga ah, dibaatooyinka ay dalka ku hayaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo waliba waxii ay isku afgateen asaga iyo raysal wasaare Gordon Brown.
Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay xaalada cakiran ee uu dalka ku jiro, dhibaatada haysato dadka rayidka ah gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah iyo dhibaatada uu sheegay in ay dalka ku hayaan kooxaha dowladdiisa kasoo horjeeda.
Waxa uu aad u amaanay jaaliyada Soomaaliyeed ee Britain dagan kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo kashaqeynaya nabada Soomaaliya ahna dad u diyaarsan in Soomaaliya laga sameeyo isbadal.
Madaxweyne Sharif ayaa si wayn uga hadlay sida khaladka ah ee ay kooxaha ku kacsan dowladiisa uturjimeen Diinta Islaamka isagoo sheegan in aysan dhibaato lahayn in gaalada la hadlo waxna laga qaato. “Waxa aad lasocotiin in dadka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan ay yihiin kuwo diintooda aad u jecel daqankooda aad ugu adag taasina waxaa muujinaya sida jaaliyada waqtiga dheer halkan joogtay ay Muslinimada, Soomaalinimada iyo dhaqanka wanaagsan ay u muujinayaan. Sidaas darted ayaana marnaba la ogalaani karin in dadka Soomaaliyeed lagaalaysiiyo, rido lagu xukumo, la argagixiyo ama xoolahooda ladhaco.” Ayuu yiri madaxweyne Sharif.
Madaxweynaha ayaa goobta kasheegay arin ka farxisay dadka kasoo qayb galay kulanka taasoo ahayd in dowladda Britain ogolaatay in ay dib u furto safaaradii Soomaaliya ay ku lahayd London.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii waxa uu kacodsaday dadka soomaliyeed ee Britain ku dhaqan in ay kaqayb qaataan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaataysan ee Soomaaliya kunool iyo in la hirgaliyo mashaariic lagu wacyi galinayo dhalinyarada Soomaalida ah si ay uga waantoobaan dagaalada wadanka kasocda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dowladiisu wax badan kaqaban wadanka dagaalada jira awgood balse ay dhiseen ciidan difaaca dalka iyo in ay hagaajiyeen xariirka ay Soomaaliya la leedahay aduunka intiisa kale.
Madaxweynaha ayaa lafilayaa inuu khudbo taasi oo kale ah ujoodiyo jaaliyada Soomaaliyeed eek u nool magaalada Birmingham ee ah caasimada labaad ee Britain.







