Madaxweyne Sheekh Sharif oo kaqayb galaya shir ay Culamaa’u diin kuqabanayaan Dubai.

Dubai (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kaqayb galaya shir ay soo qaban qaabisay hay’ad Culamaa’u diin Muslimiin ah oo Sabtidii kafurmay caasimada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay hay’ada Xarunta Cilmiga ee Dib ucusboonaysiinta ee uu hogaamiro wadaadka Muritanianka Cabdalla Bib Beeh ayaa lafilayaa in si wayn looga doodi doono arimaha kataagan Soomaliya iyo sida qaar kamid ah kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ay u adeegsadaan diinta   Islamka iyagoo dana gaar ah ku xasilinaya.

Waxaa sidoo kale shirka kasoo qayb galay culamaa u diin aad caan u ah oo ka kala yimid wadamada Somalia, Sudan, Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo ashqaas kale oo uu kamid yahay ergayga UNta uqaabilsan Somalia Ahmadou Oulad Abdalla.

Madaxweyne Sharif ayaa lafilyaa inuu shirka khutbo kajoodiyo taasoo uu uga hadlayo sida uu wax uga qabanayo kooxaha mucaaradka ku ah xukuumadiisa iyo sida xal loogu heli karo xaalada qalifsan oo Somalia.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>