Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada.

Hargeysa (Alshahid)- Madaxweynaha dhawaan loo dhaariyay Somaliland; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa wareegto xafiiskiisa kasoo baxday Khamiistii shalay ah  ku magaacabay afhayeenka cusub ee madaxtooyada iyo madaxa golaha wasiirada  ee madaxtooyada.

 Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa loo magacaabay afhayeenka madaxtooyada Somaliland halka Xirsi Cali Xaaji Xassan loo magacaabay madaxa golaha wasiirada  (Chief of Cabinet) ee madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale waxaana maalintii shaley xilkii la wareegay wasiirka cusub ee arimaha dibada Maxamed Cabdullaahi Cumar oo kala wareegay xilka wasiirkii hore ee Cabdullaahi Maxamed Ducaale.

Magacaabista labadan mas’uul ayaa timid kadib markii 27 ka bishan madaxweyne Axmed Siilaanyo uu si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynanimada oo uu ku guuleystay doorashadii 26-ka June.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>