Nairobi (Alshahid)- Maamulka Obama ayaa walaac kamuujiyay warbixin laga soo saaray xerooyinka qaxootiga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasi oo tilmaamtay in qaar kamid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool xerooyinka Dhadhaab ay ciidan ahaan uqortaan kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya.
Reuben Brigety, oo ah sarkaal sare oo katirsan waaxda qaxootiyada iyo muhaajiriinta ee Maraykanka oo Kenya socdaal ku jooga ayaa sheegay in uu kaxunyahay in dhalinyaro laga soo qixiyay xaalada dagaal ee Soomaaliya kajirta loo qorto ciidamo.
Dhinaca kale Mr. Brigety ayaa wariyayaasha u sheegay in ay dowladda Kenya ka aqbashay codsi ahaa in labalaariyo xerooyinka qaxootiga si ay uqaadaan 80,000 oo qaxooti dheeraad ah.
Xerooyinka qaxootiga ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa kujira ilaa 270,000 ruux tiradaasi oo aad uga saraysa tii loogu talagalay in ay qaadaan.