عربي - English - Soomaali
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada. | Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed. | Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo. | Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay. | Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay. | Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya. | Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan. | Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay. | Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland. |

Maxkamad kutaalo Kenya oo xukun kuriday Burcad badeed Soomaaliyeed.

11 March, 2010

Mombasa (Alshahid)- Maxkamad kutaalo magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa maalintii arbacada ahayd waxa ay ku xukuntay 7 Burcada badeed Soomaali ah midkiiba 20 sano oo xarig ah.

Todobada nin oo ay soo qabteen ciidamada bada ee Britain sanadii 2008 kadib markii ay isku dayeen in ay qafaashaan markab xamuul oo laga lahaa Denmark ayaa waxa ay xaakimad Lilian Mutende ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah mid waliba.

Xaakimada ayaa sheegtay in marka ay eegtay khatarta dambiga ay sameeyeen iyo xaaladihii lagu soo qabtay ay go’aan ku gaartay in ciqaab adag lamariyo ragaasi taasina ay tahay xabsiga mudada badan ah.

Qareenka u doodaya 7 nin ayaa sheegay in uu rafcaan ka qaadanayo xukunka isagoo ku andacooday in Kenya aysan xaq u laheyn in ay xukmiso wixii kadhaca meel kabaxsan biyaha wadankeeda iyo in ay sharci daro tahay in ay xabsiyadeeda ku quudiso dad shisheeye ah mudo dheer.

Qaar kamid ah madaxda Islaamka ee wadanka Kenya ayaa dowladda uga digay in loo isticmaalo maxkamadaynata Burcada badeeda ayagoo sheegay in wadamada shisheeye ee soo qab qatay ay maxkamadeeyaan Burcad badeeda.

Wadamada reer galabeedka ayaa iyagu inta badan iska ilaaliya in ay wadankooda ku maxkamadeeyaan Burcad badeeda ay qabtaan iyagoo sheega in ay sharciyad u lahayn in ay sidaa sameeyaan.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /