Midowga Europe oo 47 milyan oo Euro u qorsheeyay howl galada AMISOM.

Nairobi (Alshahid)-Midowga Europe ayaa sheegay in ay lacag dhan 47 milyan oo Euro ay ku taageerayaan howlaha ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ay ka wadaan Muqdisho si ay awood ugu yeeshaan ilaalinta amaanka Muqdisho.

Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska madaxa Midowga Europe u qaabilsan arrimaha amaanka iyo siyaasada dibada, ayaa lagu sheegay in howlaha AMISOM ay ka hayso Soomaaliya ay yihiin kuwo muhiim ah sidaa darteedna ay dhaqaalahan ugu tala galeen in howlahaas si wanaagsan loo sii wado.

“AMISOM waxa ay haysaa howl muhiim ah, taasi oo ay ku ilaalinayso in amaanka yare e Soomaaliya ka jira uu faraha ka baxo, iyo sidii loo heli lahaa jawi amaan oo ay ku dhici karaan wada xaajood iyo dib u heshiisiin qaran.” Ayey tiri Catherine Ashton oo ah madaxa Midowga Europe u qaabilsan arrimaha amaanka iyo siyaasada dibada.

Midowga Europe ayaa sheegay in tan iyo sanadii 2007 ay ciidamada AMISOM ugu deeqeen qarash gaaraya 142 milyan Euros.

AMISOM ayaa dowladda KMG ee Soomaaliya ka difaacda weerarada kaga imanaya kooxaha ku kacsan ee ay Alshabab ugu weyntahay kuwaasi oo doonaya in ay dowladda ridaan ciidamada AMISOM na dalka ka saaraan.

Hadalkan kasoo yeeray Midowga Europe ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay sheegtay dowladda Uganda in ay qarash la’aan awgeed Soomaaliya ugu diri la’dahay ciidamo dheeri ah oo kaaba kuwa AMISOM haatan kaga sugan Muqdisho.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>