Muqdisho (Alshahid) – Aroornimadii saaka ayaa dagaal aad u culus, sababayna dhimasho iyo daawac lana isuadeegsaday hubka noocyadiisa kala duman ayaa kaqarxay qaybo kamid ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalka oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda KMG iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa waxa uu kabilowday agagaarka hotel Global ee dagmada Cabdicasiis waxaana la isu adeegsaday hub aad culus waxaana laga maqlayay diryanka madaafiicda qaybo badan oo katirsan Muqdisho.
Wararka laga helayo dadka ku dhaqan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu dagaalka bilowday kadib markii kooxaha ku kacsan dowladda KMG ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamad dowladda ku leeyihiin goobtaasi.
Wararka ayaa intaasi kudaraya in madaafiic habow ah haleeshay qoys daganaa xaafada Beexaani halkaas oo ay labo qof ku dhinteen.
Waxaana la ogeyn qasaarada dhabta ah ee uu geystay dagaalka saaka kadhacay Muqdisho iyadoo uusan wax war ah kasoo bixin labada dhinac ee dagaalka udhaxeeyo.







