Nairobi (Alshahid) – Ciidamada kahortaga Burcad badeeda ee NATO ayaa sheegay in ay galinkii dambee ee maalintii Axada ahayd ay quusiyeen markab ay wateen Burcad badeed Soomaaliyeed oo marayay Badweynta Hindaya.
Taliska ciidamada kahortaga Burcad badeeda ee NATO oo kuyaalo Northwood ee dalka Britain ayaa xaqiijiyay inuu falkaasi dhacay Axadii ayna quusiyeen markabka kadib markii ay kadajiyeen Burcad badeedii saarneyd. Talisku ma uusan bixinin wax faafaahin dheeraad ah oo kusaabsan dhacdadaasi.
Dhinaca kale ciidamada bada ee France ayaa sheegay in ay howl galo ay kasameeyeen Badaweynta Hindiya ay kusoo qabqabteen Burcad badeed Soomaaliyeed oo ay tiradoodu tahay 35.
Inkastoo ay howl galada ciidamada shisheeye ee ilaaliya Badaha Soomaaliyeed ay kusoo qabqabtaan qaar kamid ah Burcad badeeda hadana waxaa si aad ah usii kordhaya weerada ay Burcad badeedu ku qafaashaan maraakiibta isticmaasha marinada Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.







