Nin Somali ah oo lagu haysto inuu dad sharci daro ku galiyay Maraykanka.

Texas (Alshahid)-Maxkamada federalka ee gobolka Texas ayaa waxaa ka socda dhagaysiga dacwad ay ciidamada socdaalka xaduudaha kusoo eedeeyeen Axmed Maxamed Dhakhane inuu boqolaal dad sharci daro  ah soo galiyay Maraykanka isaga oo soo marsiinayay wadamada xuduudka la leh Maraykanka ee Brazil iyo Mexico.

Qareenka dacwada soo oogayay ayaa sheegay in dadka uu Mr. Dhakhane soo galiyay Maraykanka ay xitaa ku jiraan kuwo katirsan Alshabab oo khatar ku keeni kara amaanka wadanka.

Waxaa sidoo kale maxkamada laga hor cadeeyay in Mr. Dhakhane iyo koox ay isla shaqeystaan ay muhaajiriin sharci daro ah soo galin jireen Maraykanka iyaga oo wadanka Mexico ku soo bari jiray afka Spanishka si ay isaga dhigaan Spanish. Dadkaasi ayaa lagu sheegay in intooda badan ay ka imanayeen dalalka Bariga dhexe.

Dacwada ayaa sii socon doonta waxaana lagu amray saraakiisha xaduudaha Maraykanka in ay ka feejiganaadaan dadka dalka sharci darada ku soo galaya.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>