Qoyska Adduunka ugu tirada badan! (Sawiro)

duggar-familly3Meeqa wiil ama gabdhood ayaa kula dhalatay? Haddii su’aashaa lagu weydiiyo, waxaa laga yaabaa inaad ku jawaabtid, 3, ama 4, amaba 5 aad gaarsiiso.

Weligaa ma ku fekertay in qoyskaaga uu yahay kan dunida ugu tirada badan? Kollayba jawaabtaadu waa maya.

Haddaba weli ma maqashay qoyska reer Duggar? Waa qoyska ilaa iyo hadda lagu tilmaami karo inuu yahay qoyska dunida ugu tirada badan, wuxuu ka kooban yahay 18 carruur ah, aabbahood iyo iyo hooyadood. 

Qoyska Duggar waa qoys jira, oo ma aha arrintooda sheeko ama qiso flim, aabbaha reerka Jim iyo maamada Michelle waxay is barteen 1980, 4 sano kaddibna way is guursadeen, wiilkooda curadka ah ayaa markiiba u dhashay, kaddib waxay go’aansadeen inay sameeyaan kala dheeraynta ilmaha (birth control),  balse nasiib wanaag haddana maamada waxay qaadday uur aysan qorshaysan, waxayna dhashay cunugoodii labaad.

Wixii markaa ka damabeeyay waxay dib u eegis ku sameeyeen qaabkii ay horey u go’aansadeen ee ahaa kala dheeraynta carruurta, waxayna markaan qaateen go’aan ah in ay Ilaah u daayaan inta carruur ah ee uu siinayo, waana midda keentay inay yeeshaan ilaa 18 carruur ah, 10 wiil iyo 8 gabdhood, welina maamada way is haysaa, waana laga yaabaa inay carruur kale dhasho.

Reer Duggar waa qoys qunyar socod ah oo isku tiirsan iskuna kalsoon, carruurtooda iyaga ayaa waxbarta, waxaa guriga u yaal telifishin iyo internet.

Kollayba inay carruurtooda si wanaagsan u korsadaan waxaa u saamaxay hantida ay haystaan, ee haddii ay aahaan lahaayeen dad aan waxba haysan, xaalku sidaan waa ka xumaan lahaa, waxaana xasuustaa in dalka Masar ay gabari mar dhashay ilaa 6 mataano ah hal mar, taasoo musiibo ay u arkeen qoyskii ay u dhalatay iyagoo ka welwelsanaa, halka ay wax ay ku quudiyaan uga keeni doonaan.

 

Aaabaha iyo Hooyada iyo cunuga ugu yar reerka

Aaabaha iyo Hooyada iyo cunuga ugu yar reerka

duggar-familly2

duggar-familly3

Guriga reerka

Guriga reerka

duggar-familly7

Kushiinka reerka

Kushiinka reerka

qolka dharka ee reerka.. armaajo waa laga tagay

qolka dharka ee reerka.. armaajo waa laga tagay

mid ka mida qololka jiifka ee reerka

mid ka mida qololka jiifka ee reerka

qaybta sharaabka ee kushiinka

qaybta sharaabka ee kushiinka

qolka dharka lagu dhaqo

qolka dharka lagu dhaqo

Xogta: ALSHAHID

8 Responses to Qoyska Adduunka ugu tirada badan! (Sawiro)

  1. waa wax lalayaabo arintaas ookale waligeey ma arkin

  2. aadbuu umahadsanyahay qoraaga sida quruxda badan ee uu u muujiyey qoraalka iyo sawirada.

  3. waa waxa aan doonayo taas oo kale

  4. Ma aha qoys Soomaali ah, haddayse isku haystaan in ay reerkan yihiin kuwa dunida ugu badan aniga ayaaba aqaan reer ka kooban 24 oo ku nool degmada Balcad ee Sh Dhexe, marka aabaha iyo hooyada reerkaas lagu daro tiradu waa 26 ruux.

    Ogow akhriste waa carruur ay iska dhaleen oo kaliya hal aabbe iyo hal hooyo….

  5. a.s.c. markahore waxaan kahatlayaa qofka jeeni labaxay oo yidhi waxaan aqaanaa qoys 24 ka kooban oo reer balcad ah waalayaqaanaa reerbalcad anaana kadhashay mana maq qoyskaas hadalkaaga mana beeninaayo bro ee mabaadiyaha balcad ayee kunoolyihiin mise balcad kudaheeta bal noo sheeg atoo raali ah magaca waa hatee sax tahay hatalkaaga wabilaah toofiiq

  6. war heedhe walahi kuwan anaga ka badan aabahay wuxu uu dhalay waa 20qof ….
    marka la isku daro hooyaday inta dhashay iyo xaaska kale ee abe waxan gaarene 20qof

  7. Laakiin anigu uma arko qoys badan meeshan 18 caruur ma tiraa, aniga aabahay waxaa uu dhalay 17 caruur. taas waa ay iska sahlantahay laakiin awoowgay waxaa uu dhalay 20 ilma kor u sii dhaafaya. marka uma arko ilma badan meeshan. waxaana jira reero aad u tiro badan oo anaka xaataa naga tiri badan 50 ku leh ilmood iyo ka badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>