Nairobi (Alshahid)-Waxaa xalay kullan uu albaabada u xiran yahay ku yeesahay Hilton Hotel ee magaalada Nairobi, Ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashid iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG.
Kullanka oo ahaa afur uu Ra’iisal wasaaraha u sameeyay xildhibaanada ayaa waxa uu kaga codasay in ay taageeraan dastuurka cusub ee uu khilaafka ka taagan yahay kaasi oo uu Ra’iisal wasaarahu aaminsanahay in dhibaatada haatan dalka haysata looga bixi karo.
Ra’iisal wasaare Cumar ayaa ka codsaday mudanayaasha goobta joogay inay u codeeyaan dastuurka cusub ee uu mucaaradsanyahay Madaxweyne Sharif, maadaama dhawaan la doonayo in baarlamaanka la hor geeyo.
Cumar Cabdirashid, ayaa la sheegay inuu kullanka kaga waramay khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha dowladda KMG, balse waxa uu rajo ka muujiyay in khilaafka dhawaan la xalin doono.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa Nairobi waxa uu soo booqday xildhibaano iyo saraakiil ku dhaawacmay weerarkii Hotel Muna kuwaas oo yaala cisbitalka Aga Khan ee Nairobi, waxaana uu u rajeeyay caafimaad buuxa.