رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب

Sahara Obama “Waxaan Allah ka baryay in Madaxweyne Obama uu soo Muslimo”

Nairobi (Alshahid)-Sahara Obama, Madaxweyne Barrack Obama ayeydiis ayaa sheegtay inay ugu ducaysay Madaxweynaha Maraykanka inuu soo galo Diinta Islaamka.

Sahara Obama ayaa sanadkan kamid ahayd xujayda gudatay xajka, waxaana ay waraysi sii say wargeys kasoo baxa dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Al-Watan Saudi daily.

“Waxaan ku ducaystay in wiilka aan ayeyda u ah ee Barrack Obama uu soo Muslimo” ayey ku tiro waraysiga ay sii siisay wargeyska.

Mama Obama ayaa waxaa sanadkan xajdka ku weliyay wiilkeeda Saciid Xuseen Obama iyo afar caruur ah oo ay ayeey u tahay.

Saciid ayaa uga mahad celiyay boqorka Sucuudi Carabiya, Boqor Cabdalla marti qaadkii uu u fidiyay Mama Sahara Obama iyo qoyskeeda.

Ra’iyiga dadweynaha Maraykanka ayaa bishii hore lagu sheegay in mid kamid ah shantii ruux ee Maraykan ahba uu aamisan yahay in Madaxweyne Barrack Obama uu yahay Muslim arrintaas oo uu aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo si aad ah u diiday.

Barrack Obama ayaa yaraantiisa kusoo koray dalka Indonesia halkaas oo uu la noolaa ninka hooyadii qabay oo ah Muslim.

Xogta: ALSHAHID

6 Responses to Sahara Obama “Waxaan Allah ka baryay in Madaxweyne Obama uu soo Muslimo”

  1. avatar
    Yaab April 22, 2011 at 6:18 pm

    iyadaanba muslin dhaaxaa ahayn, ayaan dhaweyto qolo gaalo amerikan bay habartu raacday qolo kale oo carabaa kasoo gaartay maahane hada kaniisad ayaa lagu dhex arki lahaa, waa iska afrikaan oo islaanimadeedu meel sidaa u dheer ma jirto.

    kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Reply
  2. avatar
    waligaa ha fududaan June 14, 2011 at 2:44 am

    yaab adiga hadii ay dinta kugu yartahay sidaada oo kale maahan umada islaamka ah maxaa yeelay qofka bini aadanka imaan kiisa adigoon ogeen hadii aad wax kasheegto danbi wayn ayaad ku jirtaa walaal ilaaheygii ku uumtay kacabso walaal qof islaam ah oo hajinaye misnae diinta heesta haku tilmaamin in uu yahay gaal hadi kale adiga ayaa halis ku ah

    Reply
  3. avatar
    cumar October 28, 2011 at 1:36 am

    walaal waxa weeyaan ilaahay mahaddi islaanimada qofka waxaa looga kaaftoomaa hadduu kalimadda tawxiidka ku dhawaaqo oo uusan la imaan wax burinaayo waliba markaasna waxaa shardi ah inuu aqoon u leeyahay in waxaan tawxiidkiisa ay burinaayaan, ummadda diinta yaan laga cayrin, walaalayaal sidoo kale dabagalka qaarki waa danbi adiguba majeclid in lagu qodqodo.
    waad mahadsantihiin

    Reply
  4. avatar
    Bashir December 12, 2011 at 3:08 am

    Salam dhamaan

    Duqdani inay diinteeda aaminsantahay waxaa u daliil ah inaysan raacin diinta wiilkeeda madaxweynaha ah ee ay dacwada isaga ugu yeedheyso. Allah ha ka ajir siiyo hana ka aqbalo ducadeeda.

    Qofkaas yaaban “shakisan” yuusan moodin dadkoo dhan inay shakisanyihiin.

    Reply
  5. avatar
    osman abdi jama January 3, 2012 at 2:31 pm

    Waxaa Sax walaalayaal inaan idunku isufiirsan oo aydin aanad isladoodin waxaa ladoonayaa inaad kadoodaan, fikirkiinana kadhiibataan waxa websitka shaahid soo bandhigay si looqiimayo dooda dadka soomaliyeed ee ku aadan mawduucan .
    Obaamana in ilaahay xaqa fahansiiyo ayaan ubaryaynaa.
    inalaaha yahdii man yashaa wa yudillu man yashaa a.
    Maama Obaana waxay samaysay arrin aad u wanaagsan oo waa faaqsan sunnihii nabaiga (SCW) ee baliquunii walow bi aayah.

    qofkasoo muslim ahna waxaa looga baahanyahay inuu duceeyo si uu diinta islaamka u quweeyo.

    Reply
  6. avatar
    Dia March 13, 2012 at 5:28 pm

    Asc maamada kalmadeeda maxuma laakiin diinlaawayaasha mafahmayaan qofkuna waan in ra yigiisa uu kafikira sa adaablehna uhadlaa obaama ilaaheey haku soo hanuuniniyo diinta islaamka dadka muslinka ahna yaan muslin nimadood waxlaga sheegin wbilaahi

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone