Shariif Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Muqdisho (Alshahid) – Waxaa la soo gebgabeeyay  tirinta codadka wareegii koowaad ee tartarka doorasha guddomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ku dhowaad saacad iyo dheraad ayay qaadatay tirinta cododka xildhibaanada ka qaybqagalay codayntan.

Halka laguu tirinayay cododka ayaa ahayd goob ay dadka oo dhan wada arkayee, iyadoo sanaadiiqda cododku ku jireen ay ahaayeen dhalooyin si muuqata looga dhex arkayay waraaqaha codbixinta.

Codbaahiyeyaasha hoolka shirarka ayay adeegsanayeen  guddiga tirinta cododka, waxana dhinac fadhiyay shantii xubnood ee ay soo kala wakiisheen musharixiinta, waxaana si gaar ah u kormeerayay Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Xaaji Shukri.

Balse intii aan lagu dhawaaqin natiijada codka wareega koowaad ayaa waxaa goobta ka hadlay xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi  oo si kulul uu sheegay inuu aad uga xun yahay in xubnaha baarlamaanka ay codkooda siin waayaan, “Waxaan ka xumahay in aydaan doonayn in dalka aad dhibaatada ka saartaan” ayaa yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi oo kaddibna sheegay inuu iska casilay sii waddida doorashada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Xildhibaanada kale ah  C/llaahi Sh. Ismaaciil , Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax) iyo Ckaafi Maxamed Xasan oo sheegay inay is wada casileen, taasina waxay keentay inuu Shariif Xasan Sh. Aadan uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamanka.

Tiradii codbixinta ee la soo bandhigay ayaa noqotay Shariif Xasan oo helay 217 cod, halka uu helay Cabdi Xaashi C/llaahi oo isna helay 143 cod, C/kaafi ayaa isna helay 12, halka Sh. Fanax uu helay 10 cod iyadoo  C/llaahi Sh. Cismaaciilna uu helay 4 cod, afar codna waxaa xumaadeen.

Isla goobta waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo u mahadceliyay xildhibanada baarlamaanka kana codsaday inay la shaqeeyaan… waxaana goobta ka dhacday dhaarintiisii waxaana dhaariyay Sh. Cabdikhaaliq.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>