عربي - English - Soomaali
Wasiir ugu baaqay Ra’iisal wasaare Cumar in uu iscasilo. | Ra’iisal wasaare Cumar oo Nairobi kullan kula qaatay xildhibaano. | Khaadiga Guud ee Kenya: Ciida waxaan tukanaynaa maalinta Sabtida ah. | Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah. | Alshabab oo shacabka Muqdisho u cayimay goobo ay ku tukadaan salaada Ciida. | Xaalada Muqdisho oo saaka dagay kadib dagaalo socday tan iyo xalay suxuurtii. | Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo Libya kala hadlay siideynta maxaabiista Soomaaliyeed. | Alshabab oo weeraro hor leh uga digtay Uganda. | UNHCR: 230 qof ayaa lagu dilay dagaladii ugu dambeeyay Muqdisho. |

Shirkado Kenyan ah oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin Burcad badeeda.

19 July, 2010

Nairobi (Alshahid)-Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’ad la yiraahdo World Peace Foundation, ayna ku midaysan yihiin; aqoonyahano, sharci yaqaano, saraakiil military ah iyo kuwo ku taqasusay dhinaca badaha ayaa lagu sheegay in shirkado ah kuwo sharciyada, amaanka, duulimaayada iyo waliba dhinaca badaha oo laga leeyahay dalka Kenya ay ku howlan yihiin sii socoshada Burcad badeenimada ka jirta dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Burcad badeeda Soomaaliya ay yihiin kudhowaad 1,500 oo ruux, oo u kala qaybsan 7 kooxoodna ayna maamulaan dhowr shakhsi oo isku ujeedo ah, balse xarumaha laga kala maamulo ay ku kala yaalaan wadamada; Kenya, Dubai, Lebanon, Somalia iyo kuwo katirsan dalalka European.

“Shirkadaha amaanka iyo sharciga ee dalka Kenya waxa ay fududeeyaan sidii ay u wada xaajoon lahaayeen Burcad badeeda iyo dadka leh maraakiibta la haysto, waxaana lacagta madax furashada lasoo mariyaa shirkadaha dalka Kenya kuwaasi oo u geeya Burcad badeeda afduubka geysatay.” Ayaa lagu sheegay warbixinta World Peace Foundation.

Mid kamid ah saraakiisha dhinaca baddaha ee dalka Kenya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin xasaasinimada arrinta awgeed ayaa sheegay in shirkado laga leeyahay dalka Kenya ay fududeeyaan wada hadalka dhex mara Burcad badeeda iyo dadka iska leh maraakiibta halkaasina ay shirkadahaasi uga soo baxdo lacag ay ka helaan Burcad badeeda oo loo siiyo howsha ay fuliyeen.

“Lacagta madax furashada ah waxaa keena dad wakiil u ah kuwa markabka laga haysto, waxa ayna u dhiibaan shirkad Kenyan ah, taasi oo gaarsiisa Burcad badeeda iyaga oo sii marinaya dhinaca badda ama hawada, waxaana loo geeyaa Burcad badeeda haysata markabka.” Ayuu yiri sarkaalkaasi aan la magacaabin.

Burcad badeeda Soomaaliya ayaa markabkii ugu lacag badnaa waxa uu ahaa mid shidaalka qaada oo laga lahaa dalka Greek waxaana ay ka qaadeen lacag dhan 7 milyan oo ah dollarka Maraykanka.

Burcad badeeda ayaa markii ay lacagtooda qaataan waxa ay xawaalad usoo dhigaan qaybta ay leeyihiin shirkadaha Kenyanka ah ee wax ka galay wada hadalka .

Dowladda Kenya ayaa ka wal walsan lacagaha farada badan ee dalkeeda kasoo galaya dhinaca Burcad badeeda kuwaasi oo kor u qaadaya sicirka maciishada, dhibaata badana ku haysa dadka rayidka ah ee dalkaasi.

Burcad badeeda ayaa waxa ay sidoo kale khatar badan ku haysaa ganacsiga aduunka, waxaana lagu qiyaasay in sanad waliba uu aduunka ku dhubiyo lacag dhan 100 milyan oo dollar, dhibaatada Burcad badeednima awgeed.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar, Warbixin
Tags:

Tacliiq qor

Log in /