Siminaarkii ILO u Qabatay Saxaafadda Soomaaliya oo la soo Gabagabeeyay

Alshahid (Kampala)- Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Yuganda, siminar uu Ururka Shaqaalaha  Aduunka “ ILO” u qabtay saxaafadda soomaaliya kaasoo socday muddo afar cisho ah, waxaana  ka soo qayb galeen wakiilo kasocday xarumaha warfaafinta sida raadiyaasha, bogaga internetka, iyo xarumaha cilmi barista oo ay ugu horeeyso Xarunta Cilmi-barista iyo Warbaahinta ee Alshaahid.

 Waxaa siminaarka lagu baranayay xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha Soomaalida iyo heshiisyadii kusaabsanaa xuquuqda shaqaalaha ee ay saxiixday dawladdii Soomaaliya sanadkii 1972.

 Waxaa kale oo sifiican looga hadlay xuquuqda dumarka iyo in aan la kala soocin haweenka iyo raga  gaar ahaan arrimaha la xiriira shaqada iyo shaqaaleynta, iyadoo haweenku ay bulshahada ka yihiin qayb muhim ah, ayna lama huraan tahay in ay qaataan kallintooda shaqo lana baro xuquuqdooda shaqo.

 Waxaa seminaarkaas soo xiray labo wakiil oo ka kala socotay Ururka  Shaqaalaha Aduunka “ILO” oo kala ah Fowsiyo Cabdi oo iyadu u qaabilsan ururkaas dhinaca warbaahinta iyo Abdi Isxaaq oo isna u qaabilsan mashruucyada ILO bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

 ILO waxay u balan qaaday kasoo qaybgalayaasha  in ay kala shaqayn doonto sidii ay ugu wacyi galin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed  xuquuqda shaqaalaha iyadoo waliba ku dhiiri galisay in ay ka qayb qaataan sidii loo heli lahaa ururo shaqaale iyo  loo shaqeeyayaasha Soomaaliya.

 Ugu danbaystii waxay isla garteen dadkii kasoo qayb galay iyo madaxdii ILO in loo baahan yahay in  laga wada shaqeeyo gaarsiinta fariintaan bulshada, iyadoo loo dardar gelin doono wacyi galinta ku saabsan xuquuqda shaqaaalaha.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>