Somaalida Maraykanka ku dhaqan oo ka cabsi qabta lacag u dirida Soomaaliya.

Minneapolis (Alshahid)-Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa ka walwalsan dhibaato uga timaada lacagaha ay u diraan eheladooda ku nool Soomaaliya kadib markii dhawaan ay dowladda Maraykanka sheegtay in kooxda Alshabab ay dhaqaalo lacageed ka helaan Maraykanka gudihiisa.

Walaacan ku abuurmay Soomaalida reer Maraykan ayaa kusoo beegmaya xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadhan oo ah waqtigii lacagaha u badan Soomaaliya loo soo diro.

Saciid Sheekh Cabdi, qoraa dagan Minneapolis ayaa sheegay in haatan u diro qaraabadiisa Soomaaliya ku nool lacag aan ka badneen 100 Dollar, isaga oo ka cabsanaya in looga shakiyo taakulaynta Alshabab.

Sedex maalmood ka hor bilaabashadii Ramadhaanka ayaa dowladda Maraykanka ay gobolka Minnesota, kasoo qabatay laba haween Soomaali ah oo ku eedeynsanaa in ay kooxda Alshabab u diri jireen lacago sadaqo ah oo ay la baxeen Soomaalida ku dhaqan Maraykanka.

Dadka Soomaaliya ku dhaqan ayaa intooda badan ku tiirsan lacago ay eheladooda wadamada dibadaha, gaar ahaan kuwa reer galbeedka ku nool, waxaana haddii ay sii socoto arrintan dhibaato wayn ku keeni doonta shacabka Soomaaliyeed ee ay daaliyeen dagaalada iyo macluusha daba dheeraatay.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>