Nairobi (Alshahid)-Kooxda kubada cagta ee qaranka Spain ayaa xalay markii ugu horaysay ee taariikhda ciyaaraha koobka aduunka ku guulaysatay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee dhex martay iyaga iyo xulka hurdiga ah ee Holland.
Ciyaarta Finalka ahayd ayaa ka dhacday garoonka Soccer city ee caasimada Johannesburg, waxaana daawashada iyo ciyaarta iyo xafladii xigtay ee gudoonsiita koobka kasoo qayb galay madax sar sare oo ay kamid yihiin: Madaxweynaha Koonfur Afrika; Jacob Zuma, Madaxweynihii hore ee isla dalkaas; Nelson Mandela, Madaxweynaha FIFA; Sep Blatter, Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Afrika; Issa Hayatu iyo waliba madax kale.
Garoonka ayaa ahaa mid aad u xardhan waxaana ciyaarta ka hor la qabtay maharajaano iyo ciyaaro dhaqameed aad u qurux badnaa waxaana codbaahiyayaal laga sii daynayo heesta fanaanada Shakira ee Waka Waka laga maqlayay garoonka oo dhami.
Ciyaarta u dhexeysay labada koox ee Spain iyo Holland ayaa ku bilaabatay jawi hoose iyada oo labada dhinacba aya u muuqdeen kuwo difaaca ku kala jira.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 0-0, inkasta oo ay labada dhinacba iska lumiyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen.
Qaybtii labaad ayaan waxba la isu reeban waxaana weerarka iyo banooni haysashasa ku sitay kooxda Spain inkasta oo aysan u suurta galin in ay gool dhaliyaan.
Ciyaarta ayaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheere ah waxaana sii kordhay cadaadiska ay weeraryahaniinta Spain ku beegsanayeen goolka Holland.
Daqiiqadii 110aad ee ciyaarta ayaa waxaa karaka cas loo taagay J. Heitinga oo difaaca uga dheelayay Holland kadib markii uu shaatiga jiiday laacibka Iniesta, waxaana daqiiqadii 117aad uu gool neefta Spain ka fujiyay dhaliyay laacibka Andrés Iniesta.
Holland oo xilligaasi ku dheelaysay 10 ciyaartooy ayaa waaga ku baryay waxaana ay awoodi waayeen daqiiqadaha ka laabnaa ciyaarta in ay gool keenaan.
Dalka Spain oo qaaday koobkii qaarada Europe ee sanadii 2008 ayaa waxa uu finalka ciyaaraha koobka aduunka yimaaday labada sanno eek ala ah; 1974 iyo 1978 balse muusan qaadin koobka.
Waxaa xalay damaashaadyo iyo reyn reyn ka bilaabatay magaalooyinka waaweyn ee dalka Spain sida caasimada Madrid, Barcelona iyo Seville.