Taliska ciidamada amaanka ee gobolka Mudug oo soo bandhigay waxyaabo qarxa oo ay qabteen iyo qoftkii sitay.

Gaalkacyo (Alshahid)- Taliska booliska gobolka Mudug ee maamul goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo qofkii watey oo ay maalintii shalay ahayd gelinkii hore gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amaanka ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Muuse Cabdiraxman (Muse Xasaasi) taliyaha booliska ee gobolka Mudug u qaabilsna maamul goboleedka Puntland ayaa safaaxada usoo bandhigay waxyaabaha qarxa oo uu sheegay in ay ku qabteen gabar 15 jir ah oo gaari gacan kusidatay waxyaabahaasi meel u dhow saldhiga booliska ee magaalada Gaalkacyo.

Gabadha ayaa waxa ay gaari gacan kusoo qaadatay waxyaabaha qarxa ayna dusha kasoo saartay alaabo bagaash ah oo ay iska dhigaysay in ay beecinayso.

Muse Xasaasi ayaa sheegay in ay hada wadaan baaritaano ay ku samaynayaan gabadha ayna weydiinayaan su’aalo dhawaana ay sheegi doonaan cidii gabdha yar soo dirtay.

Ciidanka amaanka ee Gaalkacyo ayaa waxa ay dhawaanahan ku jireen feejigaan dhinaca amaanka ah kadib markii ay dhawaanahan halkaasi ka dhaceen falal amaan daro.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>