Kampala (Alshahid)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay go’aansatay ciidamo dheeraad ah oo tiadoodu tahay 750 askari ay maalmaha soo socda u dirto Muqdisho si ay garab u siiyaan kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.
Taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda Lt. Gen. Katumba Wamala oo saxaafadda kula hadlayay Arbacadii shalay garoonka diyaaradaha ee Entebbe , halkaasi oo laga soo dajiyay meydka 4 askari iyo dhaawaca 8 kale oo kawada tirsanaa AMISOM ayaa sheegay inay go’aansadeen in 750 askari oo dheeraad ah ay u diraan Muqdisho.
“Ciidamada aan dirayno waan aan ka go’aan gaarnay, waxaana la geynayaa Muqdisho si ay uga qaybqaataan howlaha nabad ilaalinta ah,” ayuu yiri Lt. Gen. Wamala.
Taliayaha ayaa intaasi ku daray in dalka Burundi uu sidoo kale maalmaha soo socda Soomaaliya u diri doono 1,600 oo askari si loo dhamaystiro 8,000 ee askari ee ay Midowga Afrika horay u ballan qaadeen in ay Soomaaliya geynayaan.
Dowladdo kale oo Afrikan ah ayaa horay u ballan qaaday in ay ciidamo nabad ilaalin ah Soomaaliya usoo dirayaan balse ka gaabsaday kadib markii kooxda Alshabab ee mucaaradsan dowladda KMG iyo AMISOM ay sii kordhisay weerarada ka dhanka ah dhinacyadaas.
Askarta shalay laga dajiyay Entebbe International Airport, Uganda ayaa waxaa haleelay madfac ay Alshabab ku riday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay 4 kamid ah ciidamada AMISOM ku dhinteen halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen.