UNHCR: 230 qof ayaa lagu dilay dagaladii ugu dambeeyay Muqdisho.

Geneva (Alshahid)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR ayaa shalay warsaxaafadeed ka soo saartay khasaaraha ka dhashay dagaaladii u dambeeyay ee caasimada Muqdisho ka dhacayay labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay dagaalada Muqdisho lagu dilay inka badan 230 qof, halka 400 oo kalana lagu dhaawacay.

Afhayeenka UNHCR Melisa Fleming ayaa sheegtay in 23,000 oo qof ay guryohooda ka barakaceen, tiradaasoo ku biirtay inka badan 200,000 oo qof oo horey ay uga barakaceen dagaalada Muqdisho, intii lagu jiray sanadkan.

Fleming waxay sheegtay in dadka ka qaxa Muqdisho oo badan kood ah kuwa cagtooda maala ay la kulmaan halis iyo dhibaatooyin badan marka ay ku sii jeedaan gobolka Soomaaliyeed ee Puntland, Ethiopia iyo Kenya.

Sidoo kale afhayeenta waxay sheegtay in intii lagu jiray sanadkan ay dalka Yemen gaareen Soomaali gaareysa 7,300 oo ah kala bar tiradii sanadkii hore halkaas gaartay.

Fleming waxay sheegtay in bishii August oo keliya ay dalka Kenya gaareen 6,500 oo qaxooti Soomaali ah, taasi oo ah tiradii ugu bandeyd tan iyo bishii June.

Dagaalada Muqdisho ayaa haatan noqday kuwo aan waqti gaar ah dhicin, waxaana bishan Ramadhan ay noqotay bisha ugu dhiig daadinta badan caasimada Muqdisho tan iyo bilowgii sanadkan.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>