Urur weynaha ardayda Puntland ee waxkabarta dalka Sudan oo qabtay xaflad soo dhaweyn ah.

Khartoum (Alshahid) – Urur weynaha ardayda Puntland ee waxkabarta dalka Sudan ayaa shalay galabnimadii ku qabtay xaflad ay ku soo dhaweynaayay ardayda cusub ee ka soo jeedda gobolka puntland.

Xafladaani oo ka dhacday howlka weyn ee Al-ribaad Al-wadani ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxa ardayda soomaalida wax ka barata dalka Sudan iyo mas’uuliyiinta ururada Soomaaliyeed ee ka jira dalka Sudan iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed.

Xafladaani oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu furfurtay aayado Qur’aanka kariimka ah, waxaana aqriyay C/llaahi C/qaadir , kadibna xoghayaha guud ee urur weynaha Puntland ayaa ka soo jeediyay halkaasi kalimad soo dhaweyn ah.

Kadibna waxaa si rasmi ah u bilaabmay barnaamijyadii kala duwanaa ee loogu tala galay xafladda.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay guduumiyaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan mudane Axmed Cabdi Fure, isagoo u jeediyay ardayda reer Puntland iyo guud ahaan ardayda Soomaaliyeed hambalyo, isla markaanna ku soo dhaweeyay dalka Sudan arday cusub ee ka soo jeedda maamulka goboleedka Puntland iyo guud ahaan ardayda Soomaaliyeed .

Wuxuuna kula dardaaramay iney xaqiijiyaan ujeedooyinkii ay uyimaadeen halkaani.

Xafladdaani oo lagu soo bandhigay heeso ka turjimaya wadaniyadda, waxbarashada iyo arimo kale.

Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana soo bandhigay kooxda Danab oo ka mid ah kooxaha daneeya dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa xafladdaasi ka hadlay Axmed Dhaashane oo ku hadlay magaca ardayda cusub ee reer Puntland.

Axmed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin sida quruxsoon ee loogu soo dhaweeyay dalka Sudan , wuxuuna kula dardaaramay ardayda cusub ee la midka ah iney ku daydaan ardaykii ka horeysay, ayna ka faaideystaan waqtigooga qaaliga ah.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay guduumiyaha urur weynaha ardayda Puntlnd Max’ed Muuse Xuseen.

Mudane Muuse ayaa booriyay dhammaanba ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Sudan in ay ka faaideystaan fursadda waxbarashada ay heystaan , taasi oo eysan helin arday fara badan oo Soomaali ah , ayna ka fikiraan sidii dalka Soomaaliya ay kaga saari lahaayeen dhibaatada uu ku jiro.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>