Mid ka mida lahaystayaasha Faransiiska oo soo baxsaday

flag_FrenchMuqdisho (Alshahid) – Mid ka mid lahaystyaashii Faransiiska oo ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaraadka ayaa ka soo baxsaday gacantooda.

Lahaystahaan oo aan weli la shaacin soo baxsashadiisa ayaa la sheegayaa inuu iminka ku sugan yahay xarrunta madaxtooyada.

xiriir aan la samaynay xafiiska madaxtooyada ayaa wuxuu inoo xaqiijiyay soo baxsashada lahaystahaasi, waxayna inoo sheegeen in dhowaan uu shir jaraa’id qaban doono Wasiirka Aminaga Qaran  oo uu arrintaas kaga hadli doono   

Lama sheegin magaciisa iyo  weliba qaabka uu ku soo baxsaday toona, balse warar Alshahid.net heshay ayaa sheegaya in lahaystahaasii uu bad qabo iminkana uu joogo xarunta madaxtooyada.

Saarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay in ninkaan uu soo baxsaday kaddib markii uu dilay 3-dii maleeshiyo ee u xilsaarnayd ilaalintiisa. waxaa kaloo soo baxayay war aan weli la xaqiijin oo sheegaya inuu la soo baxsaday nin weriye ah balse intii ay soo socdeen ay kala lumeen.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>