عربي - English - Soomaali
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada. | Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed. | Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo. | Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay. | Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay. | Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya. | Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan. | Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay. | Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland. |

Warbixin ay diyaarisay UNta oo lagu sheegay in cunnada WFP ee Soomaaliya si xun loo maamulo.

10 March, 2010

New York (Alshahid) – Warbixin uu diyaariyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in cunnada deeqda ah ee ay WFP geyso Soomaaliya  si xun u isticmaalaan qandaraas layaal Soomaali ah iyo kooxaha Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda dowladda KMG sida ay qortay jariirada New York times ee kasoo baxda wadanka Maraykanka.

Warbixinta oo aan weli shaaca laga qaadin ayaa sheegaysa in cunnada loogu talagalay dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed aysan gaarin cuntada balse ay suuqyada ku iibyiyaan qandaraaslayaasha Soomaaliyeed iyo kooxaha mucaaradka ku ah dowladda KMG halkaasna ay ka helaan faa’iidooyin badan.

Sidoo kale warbixinta ayaa sheegtay in ay kooxaha Alshabab iyo Xizbul Islam u adeegsadaan cunnada deeqda ah si ay ugu soo gataan hub ayna colaada usii wadaan.

Dowladda KMG ayaa iyadana lagu eedeeyay in ay qarash kahesho Burcad badeeda Soomaaliya iyo in ay iibsato Visayaasha loogu talagalay wafuuda dowladda ee booqashada utaga Europe iyo America.

Fadeexadan kusoo baxday WFP ayaa imanaysa kamid markii ay dhamaadkii February ay kooxda Alshabab ka mamnuuceen howl galada WFP ee Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /