Warbixin: Shariif Xassan oo Muqdisho kasoo dagay iyo khilaafka madaxda DKMG oo sii xumaaday

Muqdisho (Alshahid)- Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaanno ku dhow boqol.

Shariif Xassan iyo wafdiga la socday ayaa ku yomod diyaarad qaas ahayd waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xilligii ay soo dagaysay diyaarada siday wafdiga Shariif Xassan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaan la hadlin saxaafadda waxaana ciidamada AMISOM ay ka qaadeen garoonka iyagoo geeyay xarunta Madaxtooyada, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo uu kamid yahay Taliyaha ciidamada Uganda Gen. Aronda Niyakrima.

Warar hoose oo ay Shabakada Alshahid ka heshay ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Shariif Xassan uu dalka ku soo laabtay iyada oo maanta lagu wado in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu xilka isaga dago.

Warka ayaa intaa ku daraya in Taliyaha ciidamada Uganda uu ku amray Ra’iisul wasaare Farmaajo inuu si deg deg ah isku casilo, hase ahaatee uu Ra’iisul Wasaaraha ku gacan seyray.

Ra’iisul wasaaraha iyo Taliyaha ayaa la sheegay inay is afdhaafeen taasoo keentay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu ku amro Gen. Aronda Niyakrima inuu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka baxo, kaddib markii sida la sheegay uu qaab aan protocol aheyn kula dhaqmay, taasoo keentay in Taliyaha uu caroodo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay Taliyaha in howshooda ay ku egtahay oo kaliya nabad ilaalin, hase ahaatee aanay soo fara gelin karin arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan Gen. Aronda ayaa markii uu arkay in Ra’iisul wasaaraha ka biya diiday inuu isku casilo 72-saacadood ayaa waxaa uu ku wargeliyay inuu la raaco diyaarad taagneyd garoonka, hase ahaatee uu isla soo jeedintaas ku gacan seyray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale saaka kulan la qaatay Madaxweyne Shariif wallow aan la sheegin in wax is-afgarad ah uu dhexmaray labada mas’uul.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>