
Johannesburg (Alshahid)-Wargays todobaadle ah oo kasoo baxo dalka Koonfur Afrika ayaa Jimcihii shalay soo daabacay sawir gacmeed (Cartoon) ay ku sheegeen inuu yahay Nabi Maxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee sawirkaasi oo aad uga caraysiiyay Muslimiinta ku dhaqan Koonfur Afrika.
Wargayska oo lagu magacaabo Mail & Guardian ayaa sawiray muqaal ay ku sheegeen Subannaha NNKH oo ku jiifa sariirta la seexiyo dadka waalan kuna cabanaya “Nabiyadii kale waxaa ay leeyihiin dad raacsan oo leh dareen kaftan ama shactiro.”
Urur udooda Muslimiinta Koonfur Afrika ayaa maxkamad la fuulay wargayska kahor inta aysan daabacin sawir kacmeedka balse maxkamadii ayaa diiday dacwada Muslimiinta.
Ihsaan Hendricks; Madaxweynaha golaha sharciga ee Muslimiinta Koonfur Afrika ayaa yiri “Sawir gacmeedkan waxa uu u muuqdaa mid Muslimiinta lagu dandaansanayo xili ay bilaaban rabaan ciyaaraha koobka aduunka waqtigaas oo loo baahanyahay in si nabad ah loo wada noolaado.”
Sawir gacmeedkan oo ah kii ugu horeyay ee Islamka lagu af lagaadeynayo oo wadan Afrikan ah lagu sameeyo ayaa waxa uu dhaliyay caro badan oo katimid Muslimiinta gaar ahaan kuwa Koonfur Afrika waxaana uu qiray Nic Dawes oo ah tafatiraha guud ee wargayskaas in ay helayaan hanjabaadyo oo xitaa loo soo diray telefoon lagu leeyahay “Dhabarkaaga ilaalso tani waxa ay sababaysaa dhimashadaada.”
Waxa ay ahayd Talaadadii tagtay markii ay warbaahinta caalamka wax ka qortay nin Ciraaqi ah oo sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay qorsheynayaan sidii lagu weerari lahaa kooxaha qaramada Holland iyo Denmark marka ay imaadaan Koonfur Afrika.








dhamaan muslimiinta calamka ku nool run ahanti waa in ay ka dhiidhiyan falalka foosha xun ay ku gacayan xawayaanda(waba kaliitaan e). suubanaha nabi max’med NNKH.
ilaahey wuxuu leeyahay اناكفيناك المستهزئين.
كفاكم الله ثم والله لأفدين روحي بك ياحبيب الله وعفوا إن عجزت حتي الآن لم يستمرون عن إهانة أفضل خلق الله..أيريدون مواجهة المسلمين آه ثم آه لم نعطي البارحة جوابا يستحقه ذاك الدنماركي فتجرأ الزنجي الوسخ لاسمعة لدينا إذالم نرد لألا تتكرر