Warsaxaafadeed ku saabsan socdaalkii wafdiga Qaramada Midoobay ee shalay Muqdisho.

Nairobi (Alshahid)-Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha Soomaaliya eek u yaala Nairobi (UNPOS) ayaa looga hadlay socdaalkii ay maalintii shalay Muqdisho ku tageen kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasada Lynn Pascoe iyo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Augustine P. Mahiga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay Muqdisho u tageen si ay shacabka Muqdisho ula qayb sadaan dhibaatada haysata, waxayna madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmeen Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada KMG.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay madaxda dowladda KMG kala hadleen sidii ay wadahadal ula samayn lahaayeen kooxaha mucaaradka qaarkood si dalka looga saaro dhibaatada muddada 20 sanno ah soo haysatay.

“Waa muhiim in dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada soo daalisay arkaan dowladda oo fulinaysa adeegyada bulshada,Beesha caalamkana waxay diyaar u tahay taageerada dowladda KMG balse dowladda waxaa looga fadhiyaa in ay waxbadan qabato ayna ka shaqaynso midnimada dhexdeeda ah.” Ayuu yiri  kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasada Lynn Pascoe.

Dhinaca kale wafdiga ayaa booqday xarumaha ay AMISOM Muqdisho ku leeyihiin qaarkood iyo waliba cisbitalka ay ciidamadaasi ku leeyihiin Muqdisho halkaasi oo lagu dawaynayay dad rayid ah.

Mr. Pascoe ayaa sheegay in uu ku tala bixin doono sidii ay QM taageero dhinaca saadka ah u siin lahayd ciidamada AMISOM.

Mr. Pascoe ayaa socdaal kusoo kala maray wadamada Masar, Eritrea, Ethiopia iyo Jabuuti waxaana uu kala hadlay madaxda wadamadaasi sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>