Muqdisho (Alshahid)-Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda KMG Cabdirashid Maxamed Xiddig ayaa ku eedeeyay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashid Cali in uu ku fashilmay maamulka xukuumada KMG loona baahanyahay inuu xilka isaga dago.
Wasiirka oo waraysi siiyay Idaaacada VOAda laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa si kulul u dhaleeceeyay siyaasadaha Ra’iisal wasaare Cumar, waxaana uu ku sheegay mid ku fashilmay soo celinta amaanka iyo kala dambeynta dalka.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, Cabdirashid Maxamed Xiddig waxa uu ka hadlay arrinta dastuurka oo uu sheegay in lagu deg-degayo, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii dalka oo dhan ilaa labada cirif loo wada gaarsiin lahaa. Waxa uu sheegay in haddii aan arrintaas la sameynin, la sharciyeynayo in waddanku kala go’o.
Mar uu ka hadlayay arrinta ciidamada dowladda KMG ee dhawaan gadooday ayuu sheegay in ciidamadaas aysan helin wax mushaar ah bilooyin taasna ay mas’uuliyadeeda leedahay xukuumada Ra’iisal wasaare Cumar.
Hadalka Cabdirashid Maxamed Xiddig ayaa kusoo beegmaya xilli Ra’iisal wasaaraha uu Nairobi u joogo sidii uu u heli lahaa codka xildhibaanada halkaas ku sugan marka baarlamaanka la keeno mooshinka xukuumadiisa lagu ridayo.