Nairobi (Alshahid) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in wax qarsoon aysan ahayn wadallada u socda dowladda iyo kooxaha mucaaradka, gaar ahaan Xisbul Islaam oo uu sheegay in ay u aqoonsan yihiin urur Soomaali mucaarad ah, wuxuuna meesha ka saaray inay Alshabaab sidaas oo kale u aqoonsadaan, isagoo taa cillad uga dhigay inaysan Alshabaab ku shaqaynin fikir Soomaali ah, Wasiirka ayaa arrintaan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay shabakadda Alshahid isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wareysiga Wasiirka oo ahaa mid dheer oo dhinacyo bandan taabanaya ayaa u dhacay sidatan:
Xilka wasaaradda iyo saxafiyiiinta
Alshahid: Mudane Wasiir sidee u aragtaa xilka Warfaafineed ee laguu dhiibay?
Geelle: Runtii Wasaaradda Warfaafinta waa wasaarad muhiimaddeeda leh, waa wasaaradda xilka ugu muhiimsan ka qaadan doonta isbeddelka la doonayo in Soomaalida lagu sameeyo, iyadoo adeegsanaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed, waa wasaaradda u hadasha dadka Soomaaliyeed ee dhiban, waa afkii dowladda dadka looga sheegi lahaa waxa ay dowladdoodu u qabatay ama ay u qaban doonto, wasaaradda xilkaas iyo kuwo ka sii badan u xilsaaran inaan mas’uul ka noqdo aad baan ugu qanacsanahay, waana ku faraxsanahay xilkaa sharafta leh, waxaana u istaagi doonaa inaan wax badan ka bedello howlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaradda Warfaafinta.
Alshahid: Wasaaradda Warfaafinta markii aad tagtay maxaad ku argtay?
Geelle: Isla maalintii la i magacaabay ayaan wasaaradda waraafinta booqasho ku tagay, runtii waxaan ku soo arkay waxyaabo aad ii soo jiitay:
Mahad gaar ah ayaan u celinayaa dadkii keydaas badbaadiyay una diiday in la xado, u diiday in la qaato, u diiday in la dhayalsado qiimahahooda, har iyo habbeenna u soo jeeday, waxaan doonayaa in amaantooda la igala qayb qaato. Keydu guud ahaan waa bad qabaa waxaan is iri wax aan dhamayn 5% ayaa waxyeello soo gaartay.
Waxaan doonayaa inaan intii karaankayga ah anigoo kaashanaya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inaan wax badan ka qabto wasaaradda, waxayna howshayda koowaad noqon doontaa inaan wax ka qabto keydka idaacadda oo dayacan, loona hagaajiyo qololka ay ku jiraan qaboojiyeyaalna loo sameeyo, sidoo kale waxaan rajanynaa inaan cajaladaha oo ah kuwo qadiimi ah loo bedelo kuwo casri ah (digital), taasna waxaan la kaashan doonaa hay’adda UNECSO. Waxaana qof kasta oo Soomaali ah oo arrintaa wax nagla qaban kara ka codsanaynaa inuu keydaa qaaliga ah nala badbaadiyo.
Alshahid: Sow ma oran karno howshii Wasaaradda Warfaafinta waa gaabis ama maba jirto marka la eego sida kooxaha idinka soo horjeeda ay idinkaga horeeyaan dhinaca propagandada iyo marka la eego sida ay meesha uga maqan tahay in bulshada la baraarujiyo?
Geelle: Haa iyo maya inaan midna iraahdo ma rabo, balse hadalka si kale ayaan u dhigi lahaa, maalmihii ugu horeeyay ee aan xilka qabtay ayaa bilaabay inaan dhammaan idaacadaha iyo qaybaha kale ee warbaahinta Soomaaliyeed aan kontarool ku saameeyo, waxaa ii muuqday inay jiraan wax badan oo qaldan, waxaan kulan isugu yeeray saxafiyiinka ka howlgasha 12 idaacadood, waxaan weydiiyay waxa u diiday inay wararka dhinacyada isku dheelitiraan, oo cidda qaldan qaladkeeda u sheegtaan si ay isku saxdo, cidda saxanna aad wanaageedaa sheegtaan si loogu daydo iyaduna ay dhiirigelin u noqoto, waxayse ii sheegeen wax caqligal ah oo waxay i yiraahdeen xor ma nihin, dhexdhexaadna ma noqon karno, oo waxaa miiska saaran nafta qofka saxafiga ah.
Dhinaca kale marka aan fiiryo waa sax waxaan oran karaa howsha wasaaraddu waa gaabis, balse saddex usbooc kaddib markii xilka la ii magacaabay ayaan waxaa sameeyay xafiis warqabad oo lagu ururiyo wararka dowladda kaddibna loo xulo afhayeenkii u hadli lahaa dowladda, taas aawadeedna waxaa inoo suurogashay inaan mideeno afhayeennada dowladda, si aysan u dhicin in wararka dowladda oo is burinaya ay soo baxaan, loona helo hal fariin oo ka soo baxda dowladda.
Alshahid: Waxaa jira hay’ado iyo dowlado hanti u diyaariyay Wasaaradda Warfaafinta, balse waxaa jira eedayn idinku foorarta oo ah inaydan u diyaarsanayn sidii aad u raadsan lahaydeen hantidaas, maxaa ka jira eedayntaas?
Geelle: dhamaan meelahaas cagta ayaan soo mariyay, waan is fahanay, waxna waan isla soo dhoweynay, mar dhowna inaan wax helno ayaan rajaynaynaa, isbeddelna aan samayno, basle u fadhin mayno deeqo aanu sugno waan isku tashanaynaa waan wadaynaa howsha aan u xilsaaranahay.
Alshahid: Maadaama aad tahay Wasiirka Warfaafinta ka waran saxafiyiinta Soomaaliyeed, kuwa gudaha ku haray iyo kuwa qurbo joogta ah?
Geelle: Waan dareemayaa in xil ballaaran naga saran yahay saxafiyiinta, maalmihii ugu horeeyay ee xilkaan aan qabtay ayaa gudaha dalka kula kulmay saxafiyiinta, wax badan ayaan isdhaafsanay, dareenkooda iyo waxa ka maqan intaba waan dhuuxay, waxaa kaloo ii suurogashay inaan Nairobi kula kulmo ururka saxafiyiinta qurbojoogta ah, sidoo kale waxaa ila soo xiriiray ururo saxaafadeed, marka hamigayga ugu weyn waxaa weeye inaan qabto shirweyne lagu midaynayo saxafiyiinta xirfadlayda ah, waxaana hadda u hayaa saxafiyiinta tababarro iyo taakulayn. Waxaan doonayaa inaan u sheego bahda saxaafadda midnamadu waa guul iyo horumar, haddii dallad la samaystana roobka iyo quraxda ayaan ka wada dugsanaynaa, waxaana rajaynayaa inay saxafiyiintu warkayga xushmayn doonaan oo ay gacan igu siin doonaan midaynta dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed si cududdooda loo mideeyo.
Siyaadda dowladda iyo dib u heshiisiinta.
Alshahid: Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu dhowaan safaro ku soo kala bixiyay dowlado carbeed oo qaarkood si toos ah iyo si dadbanba Soomaaliya ugu lug leh, safarkaas waxa ka soo baxay si wanaagsan looma faahfaahin, bal isku day inaad wax badan inooga sheegtid?
Geelle: Safarkaasu wuxuu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, wuxuuna Madaxweynuhu soo maray wadamada Qadar iyi Imaaraadka, labaduba isfaham fiican ayaan jiray, wax badanna way u ballanqaadeen dowladda.
Alshahid: Ka waran dowladda Qadar wax ma iska baddeleen mowqifkeeda, muxuuna Madaxweynuhu halkaa kala yimid?
Geelle: Runtii mowfiqka Dowladda Qadar waa mid positive ah, waa la wada og yahay gacanta iyo gargaarka ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waa la wada og yahay taageeradeedii xilligii Maxkamada ilaa iyo haddana ay weli taageeradaa waddo. Waxa ugu weyn ee halkaa Madaxweynuhu kala soo kulmay waxay tahay in Qadar ay u istaagtay inay heshiisiiso dowladda iyo mucaaradka, Madaxweynuhuna wuu ogolaaday gogoshaa ay Qadar fidisay, howshaa dib u heshiisiintana si qabow ayay u socotaa, mana doonayno inaan saxaafadda wax badan ka sheegno.
Alshahid: Madaxweynaha intii uu joogay Qadar ma jirtaa cid mucaaradka ka mida oo uu halkaa kula kulmay? Maxaase hortaagan in gogosha Qadar fidisay la isugu tago?
Geelle: Madaxweynuhu cidna halkaa kula kulmin oo aan ahayn madaxda Qadar, gogosha Qadar iyadaa fidisay, iyadaana waqtiga soo sheegaysa marka ay ogolaansho ka soo hesho qaybaha kale ee mucaaradka, anaga ka dowlad ahaan waan ogolaanay.
Alshahid: Ma waxaa jira shuruudo ay idin soo hor dhigtay ama tanaasulaadyo ay idinka dalbatay dowladda Qadar si gogosha wadahadalka ay u furto?
Geelle: Maya, maya, sideedaba cidda gogosha dhigaysa wax shuruud ah kuma xirto cidda ay heshiisiinayso. Runtiina waxa jira culayso la saarayo kooxaha mucaaradka gaar ahaan xisbul Islaam si ay u qaataan go’aan nabadeed.
Alshahid: Xisbul Islaam iyo Alshabaab maxaad u aqoonsan tihiin?
Geelle: Xisbul Islaam waxaan u aqoonsanahay inuu yahay urur Soomaaliyeed oo mucaarad ah, isla markaana aan isku aragti ka nahay dowladnimada, madaxbannaanida, calanka iyo xudduudaha Soomaaliya, xiriir fiicanna waa inoo socdaa oo aan filayno inuu guul ku soo dhamaado haddii Eebbe idmo.
Laakiin Alshabaab ma aha dad wata fikir Soomaaliyeed, waxay gacanta ugu jiraan kooxo shisheeye, marka ay ka soo laabtaan fikirka xagjirnimada ee Alqaacidda ay wadato, Soomaalinimo waan u aqoonsan karnaa, Alqaacidda waxa ay wadatana fikir iyo mabda’a midna maaha ee waa cudur nolosha wanaagsan lagu baabi’inayo.
Alshahid: Ma dhabbaa inuu wadahadalkaasi jiro, waayo waxaan mar kasta la maqlaa adinkoo leh heshiis baa inoo socdo iyo mucaaradka oo leh waa been?
Geelle: Qof warka u yiraahdo isaga ayaa lagula xisaabtamayaa, balse waxaa anigu doonayaa inaad dadka Soomaaliyeed runta u sheego, oo aan iraahdo HAA wadahadal ayaa inoo socda, basle wixii tafaasiil ah dib ayaan u dhiganaynaa.
Alshahid: Masuuliyiinta Xisbul Islaam qaarkood waxay aaminsan yihiin inay dowladdu ay kala jejebisay Xisbiga, weliba adigu waxaad ka mid tahay ragga eedde ku jeeddo, sidee marka ay idinkaga aqbalayaan wadahadalka aad sheegayso?
Geelle: Arrintaasi kala jejebin iyo burburin toona ma aha ee waxaan oran karaa waa wadahadalladii inoo socday oo miro dhalay, waxaana si xor ah dowladda ugu soo biiray rag waawayn iyo ciidan ka mid ahaa Xisbul Islaam.
Alshahid: Mar kasta waad amaantaan fikiradda Xisbiga, bal ka waran taageeradii Sh. Xasn Daahir Aweys ee ismiidaamintii loo gaystay AMISOM?
Geelle: Runtii fikirka xagjirnimada ma ahayn wax aanu ku naqiinay Sh. Xasan Daahir Aweys, gaalaysiinta iyo isqarxinta labada Sheekhu ma taageeri jirin, fikirka uu ka aaminsanaa xudduudaha Soomaaliyana wuxuu ahaa mid sax ah, ma garanayo meesh uu isbedelkaani ka jiro.
Alshahid: Sh. Xasan kursiga madaxtooyada ma u ogolaanaysaan?
Geelle: Kursiga Soomaali ayaa iska leh, oo cid gaar ah ma laha mana bixiso, cid loo diidi karaana ma jirto, laakiin waa inuu door siyaasadeed yeeshaa oo uu ku raadiyaa kursiga, haddii la doorto cid ka xigtaa ma jirto.
Alshahid: Dhinaca kale ma la oran karaa aad baad u dhayalsateen awoodda mucaaradka?
Geelle: Lama oran karo, waayo dadaal badan ayaan samaynay oo xagga dib u heshiisiinta u qaadnay, magaalada Khartoum ee dalak Sudan waxaan kulan kula yeelanay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka, dhinaca kale waxaan u dirnay aqooyanahanno, culimaa’uddiin iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxaan la yeelanay shirar qarsoodi ah, waxaa ina soo dhexgalay culimo caalamka islaamka ka socotay, dadaaladdaas oo dhan waxay ku dhamaadeen guuldarro.
Alshahid: Mar haddii uu arrinku sidaa yahay, waxqabad la’antiinuna ay sii socoto, marka la fiiriyo inaydaan isu diyaarinayan inaad xoog isaga muquunisaan mucaaradka ama aad ka miro dhalisaan wadahallada idiin socda, marka sow lama oran karo waxaad ku qanacsan tihiin goobta yarta ah ee aad ku nooshihiin iyo safarrada aad bibadda u aaddaan?
Geelle: Kuma qanacsaanin, waxaan doonaynaa in wiilka yarkaa ee qoriga loo dhiibay laguna soo jiheeyay dowladda inaan qorigiisa baadkiisa aan soo aaddino dhanka dowladda, isagana loo helo daryeel iyo waxbarsho iyo inuu ka mid noqdo ciidamada qaranka, waxaan kaloo kuu sheegayaa in dowladdu ku ekaan doonin goobta aad hadda sheegayso, waan is ballaarin doonaa, taas macnaheedu ma aha waxaan qaadaynaa guluf dagaal, balse waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed ee dowladnimada yaqaan ee na sugaya inaan dhowaan wada kulmi doono oo qayb kastaa aan goobteeda ugu tegi doono.
Alshahid: Xarakada Alshabaab sow ma oran karno waa urur habaysan oo idinkaga horreeyay dhinaca Propagandada, farriinta ay gudbinayaan ay mid tahay, is maqalkoodu fiican yahay?
Geelle: Waa la dhihi karaa, basle ogow in Alshabaab ay tahay koox qalloocan oo farsamo fiican, balse annagu waxaan nahay dad saxan balse farsamadoodu ay ka hoosayso heerkii la rabay.
Waxqabadka Dowladda
Alshahid: Intii ay xukuumaddu dhisnay ee 8-da bilood ah maxaan dadka u sheegi karnaa inay xukuumaddiinu qabatay?
Geelle: Marka ugu horreysa waxaa habboon in hoosta laga xariiqo in xukuumada markii la soo dhisay sidii ay dalka u soo gashay ay ilaa iyo hadda joogto, kana shaqaynayso, midda xigta waxaan isku milanay kooxdii hore ee dowladii hore ka tirsanaa, taas oo muujinaysa dowladnimo iyo Soomaalinimo, inaan hayno muuqaalkii dowladnimada, kana gudubnay muuqaalkii qabiilka, waxaan ka hor tagnay inuu burburo qarankii Soomaaliyeed, waxaana arrintaa u samaynay naf hurid dheeraad ah oo waxaan ku weynay rag badan oo uu ugu horreeyo wasiirkii amniga Col. Cumar Xaashi Allaha u naxariistee.
Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha waxay ilaa iyo iminka yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay dowladdu wax ka soo galaan, iyagana waxaan u samayn guddi la dagaalanka musuqmaasuqa, ciidamadda badda oo la habeeyay lana dhisay, wax kasta oo aan qaban lahaynba waxaa caqabad ku noqday kooxaha mucaaradka oo markiiba xabad nagu bilaabay.
Waxyaabo badan oo gaabis ah way jiraan sida ajandihii aminga oo aan sidii la rabay u hirgelin, waxaa intaa dheer in kaalmadii adduunka aan ka sugaynay ay iyaduna ay gaabis noqotay.
Alshahid: Kulankii Madaxweyne Shariif uu kula yeeshay Nairobi Hillary Clinton bishii August kaddib waxay dowladda Mareykanku sheegtay inay sii laba laabi iyo sadex jibaari doonto taageerada ay siiso Dowladda, maxaa taa ka hirgalay oo idin soo gaaray?
Geelle: runtii wax taageero oo dhinaca Mareykanka ka yimaada way jiraan aad bayna u yar yihiin, mana aha wixii laga filayay.
Alshahid: Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya, ahna u qaybsanaha Soomaaliya, Michael Ranneberger mar uu ka hadlayay shaqsiyadda Sh. Shariif wuxuu ku tilmaay inuu yahay Madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara Soomaaliya, bal ka waran hadalkaas?
Geelle: Waan la qabaa, ma qiimaynayo mana raacayo oo keliya erayada Ranneberger, basle shaqsiyan ayaan aaminsahay inuu Sh. Shariif yahay qof maskax furan, wax qabad leh, hadalladiisaa inta badan ficil u bedela, dadka isku keeni kara, marxaladd mar kasta lagu jirana qiimayn kara lana falgeli kara.
Alshahid: Boqolaalkii milyan oo doolar ee Brussels lagu ballanqaaday aaway?
Geelle: Wax naga soo gaaray ma jiraan.
Alshahid: Maxaa mar kasta heshiisyada dowladdu ay gasho ay qaylo uga timaaddaa sida kii badda ee Kenya lala galay, iyo kuwo kale oo badan, waxaa ugu dambeeyay heshiisyadii ay soo kala saxiixeen R/wasaaraha iyo ku xigeenkiisa IBBI oo labaduba lagu sheegay inay is burinayaan?
Geelle: Runtii xukuumadda kuma jirin markii inta badan heshiisyadaasi la saxiixayay, laakiin waxa la ii sheegay inaysan wax cabsi ah jirin, heshiisyadaasina aysan ahayn kuwo dalka iyo dadka wax u dhimaya. Midka uu saxiisay R/wasaaraha ee u la galay maamulka Puntland iyo midka uu saxiixay Prof. C/raxmaan Ibbi, waxaad moodda in ka hadalkooda laga hordhacayo, marka golaha wasiirada la hor keeno ayaan sheegi doonaan inay is burinayaan iyo in kale.
Alshahid: Faragelinta shisheeye shalay waad diidanaydeen, maxaad maata u doonaysaan?
Geelle: Shalay markii ay maxkamaduhu dalka xukumayeen dalku nabad buu ahaa, dadka iyo dalka horumar baa ka socday, markaa ma jirin baahi loo qabay in dalka ay yimaadaan ciidamo shisheeye, balse maanta dalkii waxaa laga wadaa burburin, nidaamkii iyo dowladnimadii baa la diidan yahay, dagaalo aan joogsi lahayn ayaa socda, marka in dalka la badbaadiyo gar bay noqotay, waana midda keentay in ciidamada shisheeye loogu bahday.
Alshahid: Ma dareemaysaa in meesha ay ka baxayso kaalintii siyaasadeed ee ay wadaaddadu lahaayeen mar haddii ay hanan waayeen fursadihii soo maray?
Geelle: Waa sax in maanta inta la siiyay kursigii ugu sarreeyay dalka ay haddana iyagii birta isu qaateen, oo runtii aan oran karo waa nasiib darro, balse ma oranayo kaalintii wadaaddadu waa dhamaatay, waayo dadkii Soomaaliyeed xilligaan aad bay u fahmeen islaamka, haddii aan wadaaddo nahayna ummada ayaa wax la qaysan doonaa.
Alshahid: Dowladda Sh. Shariif intooda badan waa da’ yar, aqoonyahanno ah, u badan dad dhaqan diini ah leh, waxaa la rajaynayay inay la imaan doonaa ruux cusub, maxay tahay sababta keentay in aad la soo baxdaan dhaqamadii raggii idinka horreeyay lagu yaqiinay, sida is eedaynta iwm?
Geelle: Waa runtaa, laakiin meesha ku darsano inaan nahay xukuumaddii ugu khilaafka yarayd, midda ah is saxaafadda laga maqlo hadallo is burinayana waa jirtaayoo waxaa jira waayo aragnimo la’aan dhinaca saxaafadda ah iyadana hadda yaan gacanta ku haynaa oo waan xallin doonaa haddii Eebbe idmo.
Alshahid: Yaa ah afhayeenka Dowladda?
Geelle: Wasiirka Warfaafinta ayaa ah afhayeenka Dowladda.
Alshahid.net
Nairobi, Sept. 2009
war dahir gelle islaam baad isku sheegeysay lakin way inoo taalaa, waxa aad islaamka ka sheegtay iyo amiirul Mu’mininka waad ka shallaayn doontaa inshaa allaahu tacaalaa.
DAHIR GEELLE WAX KAA NASIIB DARRAN ADDUUNKA MA AANAN RAG IDAACADAAHA IQK MAXAAD U TAGI WEYDAY UGU YARAAN HADAAD WAX ISKU HEYSO MARKA AAD TAGTO AYAAN KUU AQOONSAN DOONNAA INAAD WASIIR TAHAY .
MIDA KALE IDAACADAADA OO AFHAYEENIMO AAD KU HESHAY LASOCO IN MIINADA LAGUU DHIGAYO SHAQAALAHAAGA HORE AY KUU DHIGI DOONAAN KELIYA.
BAQTI BAAD TAHAY.