Weerar Burcad badeed Soomaali ah ay qaadeen oo qof ku dhintay.

Sana’a (Alshahid) -Weerar ay burcad badeed Soomaliyeed ku qaadeen shalay markab kaluumaysi oo laga leeyahay wadanka Yeman ayaa waxaa kudhintay badmaax Yemani ah oo saarnaa markabkaasi.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha ee wadanka Yeman ayaa sheegay in hal badmaax oo u dhashay wadanka Yeman oo kudhintay weerar ay burcadbadeed Somali ah ku qaadeen markab Yeman laga leeyahay.

War saxaafadeedka ayaa intas kudaray in aan wax war ah laga heyn meesha uu markabka kusugan yahay ayna umalaynayaan inuu gacanta ugalay kooxaha burcad badeedka ah ee soo weeraray. Markabka waxaa saarnaa 9 badmaax oo u wada dhashay Yeman.

Burcad badeedka Soomaaliyeed ayaa qafaasha maraakiibta mara badweynta Hindiya, kana qaata madax furasho lacageed.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>