عربي - English - Soomaali
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada. | Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed. | Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo. | Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay. | Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay. | Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya. | Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan. | Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay. | Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland. |

WFP oo sheegtay in ay soo dhowaynayso baaritaan lagu sameeyo eedeynta uu Golaha Amaanka uu soo jeediyay.

12 March, 2010

Rome (Alshahid) Hay’ada cuntada aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP ayaa maalintii Khamiista ahayd sheegtay in ay soo dhawayneyso baaritaan lagu sameeyo hawleheeda cunna bixinta ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta WFP ee  Rome ayaa lagu sheegay in ay WFP lashaqaynayso gudiga madaxa banaan ee ay Qaramada Midobay u xil saari doonto soo baarida eedaha sheegaya in cuntada WFP ay Soomaaliya ugu talagashay Soomaaliya  kalabar aysan gaarin dadkii loogu talagalay.

Madaxa hay’da WFP Josette Sheeran ayaa yiri “Sharafta Ururkeena ayaa kamuhiimsan wax waliba sidaa darteen waanu lashaqaynaynaa Gudiga madaxa banaan ee baaraya eedeymaha kujira warbixinta Golaha Amaanka”

Warbixin ay diyaariyeen Khubarada u qaabilsan Golaha Amaanka ilaalinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay sedax qandaraaslayaal Soomaali ah oo kana shaqaysta ganacsiga hubka ay WFP kaheleen sanadii 2009 lacaga dhan 200 Million oo ah Dollarka Maraykanka inkasta oo ay WFP ku adkaysatay in ay ragaasi siisay lacag dhan US$ 41.4 Million.

WFP oo ah hay’ada gargaarka cunno ee ugu badan bixisa ayaa waxa ay cunno siisaa in kabadan 4 million oo Soomali ah kuwaas oo kunool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /