Xaalada Muqdisho oo saaka dagay kadib dagaalo socday tan iyo xalay suxuurtii.

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa saaka laga dareemayaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho xasilooni aan caga badan ku taagneyn kadib markii ay dagaalo xoogan ayna ku dhinteen 11 shacab ah kuna dhaawacmeen 30 kale ay ka socdeen magaalada tan iyo xalay suxuurtii.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Alshabab oo dhanka kale ah ayaa waxaa ay xalay fiidkii ka qarxeen degmooyinka Shibis Cabdicasiis, Howl wadaag iyo Hodan kuwaas oo muddooyinka ahaa furin dagaal.

Xalay fiidkii ayaa waxaa Muqdisho aad u gil gilay madaafiicda ay isu adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka laga helayo jiidaha dagaalka ayaa sheegaya in xoogaga Alshabab dib looga qabsaday xaruntii hore ee Taraafikada halkaas oo ay dhawaan kala wareegeen ciidamada dowladda KMG, waxaana haatan halkaas ku sugan taangiyaal ay leeyihiin AMISOM.

Dhinaca kale ciidamada dowladda KMG ayaa baaritaan kawada wadada Ex-Control Afgoye halkaas oo ah wadad kaliya ee sida dhib la’aanta ah ay u isticmaalaan dadka barakacayaasha ah eek u sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ee usoo qaraab taga caasimada Muqdisho.

Baaritaanada ciidamada dowladda KMG ay saaka halkaas ka wadaan ayaa ah mid xoogan waxaana ay si goono gooni ah u baraayaan rakaabka gaadiidka BLka iyo gawaarida ay la socdaanba.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>