Alshahid ( Muqdisho) Waxaa subaxnimadii saakay ka furmay hoteelka Pradise ee magaalada Muqdisho workshop ay ka soo qeybgaleen madax iyo macalimiin ks socda jaamacacdaha, iskuulada, iyo hay’adaha waxbarashada, kaasoo looga hadlayay horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyo wadooyinkii loo adeegsan lahaa.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay Ustaad Cali Muudeey oo amaan iyo bogaadin u soo jeediyay xarunta Alshahid iyo dedaalkeeda ku aadan qabanqaabada workshop-kan.
Sidoo kale waxaa furitaankii shirka ka hadlay Dr. Maxamed Nuur Gacal oo ah xiiririyaha workshop-ka, isaga tilmaamay in workshop-kan uu yahay kii labaad oo xarunta Alshahid ay ku qabanayso magaalada Muqdisho iyadoo kii koowaad oo ay xarunta qabato uu ku saabsanaa “Nabadeynta Bulshada iyo Dibuheshiisinta siyaasadeed” tasoo dhacday bishii April 2010, wuxuuna intaa ku daray in xaruntu ay maamusho shabakad xagga wararka ah oo internet ah oo ku soo baxda afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga, isla markaana ay soo saarto diraasaad iyo buxuus cilmi ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya taas oo si diiran looga soo dhaweeyay gudaha Somaaliya iyo caalamka kaleba.
Ustaad Maxamed Macalin oo kamida ahaa macalimiinta duruusta ka soo jeediyay workshop-ka ayaa si faahfaahsan uga hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada Soomaaliya, isaga oo u kala qaaday xilligii isticmaarkii, kii dawladaha wadaniga ah iyo xilliga dawlada la’aanta oo ay waxbarashadu wajahday dhibaatooyin adag.
Dr. Yuusuf Hiraabe ayaa isagana ka hadlay isku xirnaanta heerarka waxbarashada iyo sida ay isugu tiirsanyihiin tacliinta hoose iyo tan sare.
Ustaad Maxamed Cilmi Tooxoow ayaa ka hadlay saameynta dagaaladu ku leeyihiin waxbarashada, iyo ahmiyadda waxbarashadu u leedahay nolosha aadanaha, sidoo kale waxa uu ustaad Tooxow ka hadlay hay’adihii u istaagay in ay sii socoto waxbarashada dalka xilligan duruufta adag lagu jiro iyo caqabadaha ay waajahaday waxbarashada kuwaa oo ay kamid yihiin; amaan darada dalka ka jirta, dhaqaale darida iyo hoos u dhaca heerka maciishada muwaadinka Soomaaliyeed, maqnaashaha agab waxbarasho oo casri ah, iyo siyaasad iyo ahdaaf wadani oo hagta wabrashada oo aan jirin.
Waxaana ka qeybgalayaashu ay aad uga doodan qodobada dhawra oo ay kamid yihiin mustaqbalka waxbarashda dalka xilligan lagu jiro xaaladda adag, xiriirka u dhexeeya waalidka iyo hay’adaha waxbarashada si ay uga wada qeyb qaataan xaqiijinta himilada ardayga. Waxayna ka qeybgalayaasha workshop-ka talo ku bixiyeen dhismo guddiyo ka shaqeeya horumarinta waxbarashada, isku xirka hay’adaha waxbarashada, ku ababinta ardayda jacaylka wadankooda, tayeynta waxbarashada, iyo taakuleynta ardayda ay haysto duruuf dhaqaale oo adag.
Workshop-ka ayaa sii socon doona iyada oo kulamada dhimana looga hadli doono mustaqbalka tacliinta sare ee heerka jaamacadeed iyo sidii ay u dabooli lahayd rabitaanka da’yarta Soomaaliyeed, waxna uga badli lahayd xaaladda qalafsan ee dalku marayo.