عربي - English - Soomaali
Wasiir ugu baaqay Ra’iisal wasaare Cumar in uu iscasilo. | Ra’iisal wasaare Cumar oo Nairobi kullan kula qaatay xildhibaano. | Khaadiga Guud ee Kenya: Ciida waxaan tukanaynaa maalinta Sabtida ah. | Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah. | Alshabab oo shacabka Muqdisho u cayimay goobo ay ku tukadaan salaada Ciida. | Xaalada Muqdisho oo saaka dagay kadib dagaalo socday tan iyo xalay suxuurtii. | Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo Libya kala hadlay siideynta maxaabiista Soomaaliyeed. | Alshabab oo weeraro hor leh uga digtay Uganda. | UNHCR: 230 qof ayaa lagu dilay dagaladii ugu dambeeyay Muqdisho. |

Xassan Dahir Aways oo taageeray qabuur burburinta Alshabab.

31 March, 2010

Muqdisho (Alshahid)- Hogaamiyaha Xizbul Islam Sheekh Xassan Dahir Aways oo shalay galinkii dambe wariyayaasha ugu waramayay khadka Telefoonka ayaa sheegay in ay Alshabab ku saxanyihiin qabuurihii ay burburiyeen isagoo intaasi ku daray in ay jireen dad caabudi jiray qabuurahaasi.

“ Arinta kala saarida qabuurta iyo masaajida waa mid ku cad xitaa kitaabka ugu yar ee ay caruurtu dugsiyada ku bartaan.” Ayuu yiri Sheekh Xassan.

Dhinaca Sheekh Xassan ayaa u qabtay mudo 48 saac ah inay kusiidaayaan Burcad badeeda haysato doomaha laga leeyahay India ee urarnaa ganacsatada Soomaalida ah.
Sheekha ayaa Burcad badeeda ku tilmaamay kuwo mujrimiin ah waxa uuna ugu baaqay in ay dhibka kadaayaan ummada Soomaaliyeed.

Sheekh Dahir Aways ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in xalka Soomaaliya uu kujiro in ay dalka ka baxaan ciidamada shisheeya ayna Soomaalida xalkooda raadsadaan.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /