رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب

Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan.

Baladweyne (Alshahid)-Saan colaadeed ayaa saaka ka taagan deegaano dhowr ah oo hoos taga gobolka Hiraan kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda KMG eek u sugnaa deegaanka Kala beyr ee u dhow xadka ay saldhigyadoodii faarujiyeen.

Dadka ku dhaqan deegaanada Bacda, Kala beyr iyo waliba magaalada Baladweyne ayaa waxaa soo wajahay cabsi badan kadib markii ay xalay ciidamadii dowladda KMG eek u sugnaa Kala beyrka ay halkaasi isaga baxeen.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay markii hore u ruqaansadeen dhinaca Baladweyne kadibna ay jehada badasheen iyaga oo aaday dhinacaas iyo deegaanka Feer feer ee gudaha Ethiopia halkaasi oo ay horaan ugu sugnaayeen.

Dhinaca xoogaga Alshabab ee Baladweyne ayaa saaka wada dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh iyagoona gawaarida dagaalka soo dhex galiyay magaalada Baladweyne.

Lama oga sida ay xaalada deegaanadaasi ku dambeyn doonto iyada oo cabsida ugu weyna ay tahay in ciidamada dowladda KMG ay dagaal soo qaadaan iyaga oo garabsanaya kuwa Ethiopia.

Xogta: ALSHAHID

One Response to Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan.

  1. avatar
    saalax July 29, 2010 at 11:40 pm

    gulesta dadka reer hiiraan nolada rer hiiraan melakasto oo jodtaan

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone