Xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestay qaabkii loo magacaabay wasiirrada

digil 1Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa maanta kulan ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga soo horjeestay qaabkii loo magacaabay golaha wasiirrada ee cusub.

Xildhibaannada iyo Wasiirada Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in qaabka loo qaybiyay Wasiirrada ay ka soo horjeeddo qaabka awood qaybsiga ee 4.5 ee xeerka u ah awood qaybsiga Xukuumadda KMG.

Xildhibaan  Cali Afgooye oo ka mid ah Xildhibaannada ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo kulanka ka hadlayay ayaa wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan qaabkii la isugu shaandheeyay golaha Wasiirada, “Dowladdu waxay muujisay inaysan wax muhimad ah u hayn dadka Digil iyo Mirifle iyo weliba deegaanada ay ku nool yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Afgooye.

Xildhibaan Afgooye oo hadalkiisa sii wata ayaa Xukuumadda KMG ah ku eedeeyay inay iska indho tirtay wax u qabashada ciidamada Dowladda eek u sugan gobollada Digil iyo Mirifle.

 Xildhibaannada Digil iyo Mirifle ayaa kulankooda ku lafo guray xaaladda guud ee dalku marayo, iyagoo diiradda saaray qaabka ay Xukuumaddu u waddo howlaheeda, waxayna sheegeen in ay cabashadooda u gudbin doonaan Dowladda, iyagoo intaa raaciyay in haddii jawaab degdeg ah oo weliba qancisa laga soo siin waayo cabashaadooda inay tallaabo ay qaadi doonaan, inkastoo aysan caddayn waxa ay tallaabadaasi noqon doonto.

Xildhibaannada iyo Wasiirrada beeshaan ayaa muujiyay inay isku mowqif ka yihiin arrimahan.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>