Garowe (Alshahid) –Kudhowaad 10 mudanayaal oo katirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe waxa ay kulan kula yeesheen magaala madaxda Puntland ee Garowe madaxda maamul goboleedka Puntland.
Mudanayaasha oo ah kuwo kasoo jeeda gobolada Puntland ayaa katagay caasimada Muqdisho iyagoo socdaalkooda lagu sheegay in lagu doonayo xalinta khilaafka dhax yaalo mas’uuliyiinta dowladda KMG iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.
Xubnahani baarlamaanka KMG ayaa waxa ay shalay galabnimadii ay shir uu albaabada uxiranyahay Garowe kula qaateen Madaxweyne Cabdiraxman Farole iyo golahiisa wasiirada, manacada waxa ay isku afgarteen.
Dadaalka ay wadaan mudanayaasha ayaa ah mid ay iskood uqaateen oo aysan kala tashan gudoonka baarlamaanka KMG sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka kMG Cismaan Cilmi Boqore.
Waxaa jira khilaaf xoogan oo udhaxeeya madaxda dowladda KMG iyo kuwa Puntland, kaasoo inta badan kusalaysan sida ay Puntland heshiisyo ula saxiixan karto shirkadaha caalamiga ah iyadoonan soo maraynin dowladda KMG. Waxaa horay ujiray wadahal dhaxmaray Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Sharif iyo madaxweyne Faroole oo kadhacay Nairobi balse wax xal ah kama soo bixin.







