Xildhibaano ugu baaqay hay’adda UNDP in ay faraha kala baxdo dastuur u samaynta Soomaaliya.

Muqdisho (Alshahid)-Xubno ka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo shalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa dhaliil usoo jeediyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP iyo gudiga madaxa banaan ee loo xilsaaray qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso.

Xildhibaanada oo tiradoodu gaaraysay 100 ayaa ku eedeeyay hay’adda UNDP in ay fara galinayso arrimaha Soomaaliya ayna xaq u lahayd dastuur u dajinta Soomaaliya.

Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ahaa xubnihii kullanka ka qayb qaatay, una waramay saxaafada ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay shaqadeedu tahay taakulaynta dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada balse aysan qax u lahayn dajinta dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kullanka ka hadlay gudoomiye ku xigeenka guddiga dastuurka iyo arimaha federaalka ee baarlamaanka KMG,xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Ismaaciil oo sheegay in aysan ka warqabin meesha lagu ansixiyay guddiga madaxa banaan ee loo xilsaaray dajinta dastuurka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka in uu kaligiis mashruucyo soo qaato kadibna uu fuliyo isaga oo aan soo marin baarlamaanka KMG.

Hadalkan kasoo yeeray xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii Arbacada ahayd guddiga madaxa banaan ee dastuur dajinta ay wasaarada warfaafinta kusoo bandhigeen nuqulka qabyada ah kaasi oo ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ay fikirkooda ka dhiiban doonaan.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>