عربي - English - Soomaali
Alshabab oo Baladweyne Khaad ku gubay. | Dowladda KMG oo shirkad Caalami ah ku wareejisay maamulka Garoonka iyo Dekkeda Muqdisho. | Somaalida Maraykanka ku dhaqan oo ka cabsi qabta lacag u dirida Soomaaliya. | Xildhibaano ugu baaqay hay’adda UNDP in ay faraha kala baxdo dastuur u samaynta Soomaaliya. | Dhagaxtuur oo loo magacaabay agaasimo wasaarad. | Warsaxaafadeed ku saabsan socdaalkii wafdiga Qaramada Midoobay ee shalay Muqdisho. | Duqayn xoogan oo goor dhow Muqdisho ka bilaabatay. | Uganda oo shaacisay in ciidamo dheeraad ah ay Muqdisho usoo dirayso maalmaha soo socda. | Midowga Europe oo 47 milyan oo Euro u qorsheeyay howl galada AMISOM. |

Xukuumada KMG oo loogu baaqay in ay berry hor timaado baarlamaanka KMG.

31 July, 2010

Muqdisho (Alshahid)-Gudoonka baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta xukuumada uu madaxda ka yahay Raiisal wasaare Cumar Cabdirashid ugu baaqay in ay maalinta berry ah iska soo xaadiriso baarlamaanka hor tiisa si loogu qaado codka kalsoonida.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka KMG; Cabdiweli Sheekh Ibrahim Mudey oo maanta shir gudoominayay kullankii ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka KMG ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumada KMG mar hore looga baahnaa in ay hor timaada baarlamaanka balse ay hada u qabanayaan maalinta berry ah in ay ku hor timaado xubnaha baarlamaanka.

Cabdiweli Sheekh Ibrahim Mudey ayaa ugu baaqay Raiisal wasaare Cumar Cabdirashid in uu u dhaga fududaado baaqa maanta uuna xukuumada u raadiyo codka kalsoonida.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii koordhayaan mudanayaasha katirsan baarlamaanka KMG ee ku doodadaya in xukuumada KMG aysan sharci ahayn maadama aysan marin baarlamaanka tan iyo markii uu Raiisal wasaare Cumar Cabdirashid sameeyay isku shaansheynta golaha wasiirada.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /