Intii aan qormadayda bilaabin, waxaan doonayaa inaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyo falkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Hotel Shaamow, waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa ehelladii iyo qaraabadii ay halkaas dadku uga geeriyoodeen.
Goobta uu shilku ka dhacay aad bay iiga fogayd, balse markii aan helay akhbaartii naxdinta lahayd, runtii aad baan u naxay, waxaana ka sii daray markii aan ogaaday dadka la beegsaday inay ahaayeen indhihii umadda u haray, waxaan sii naxay markii aan helay magacyada shaqsiyaadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo intaba aan si fiican u aqiinay, marka laga reebo ardayda ka soo qalin jebisay kulliyadda Caafimaadka ee Banaadir.
Alla Xanuun badanaa… runtii isla maalinii uu shilkaan dhacay ayaan damcay inaan wax ka qoro, waanse awoodi waayay, balse dib u dhacu waxba iima kordhin, waxaan islahaa xanuunka ha kaa kala yaraado, laakiinse marka aan soo xasuusto ayuu xanuunuku halkiis ka bilowdaa.. waa laga yaabaa inaan waayadaan dambe aan baranay in mar qura dagaal maalin qura dhaca aan ku weyno dad 100 qof kor u dhaafaya, balse dhacdadan waa mid ka duwan oo fariin cabsi badan soo gudbinaysa, noo muujinaysa mugdiga uu ku sii socdo dalkeena.
Alla Xanuun badanaa… maalin madow ayay ahayd, muuqaalkii hoolka Shaamow ka jiray cid sifayn kartaa ma jirto… waxaan maqli jiray balaayadii galbeed laga sheegay gondahaaga ka day.. qaraxyada is miidaminta ee ka jira wadamada muslimiinta qaarkooda ayaan aad ula yaabi jiray, waxa ay ku salaysan yihiin iyo hadafka ka dambeeyana waan is weydiin jiray, waxaase naxdin igu abuuray markii Muqdisho ay musiibadaa oo kale ay hoy u noqotay.
Alla Xanuun badanaa… dib ma isugu laabatay, ma isku dayday inaad tira koobtid dadka qiimaha lahaa ee goobtaa isugu yimid.. ? mise isku dayday inaad soo aruurisid inta ku dhimatay, magacyadooda, dadnimadooda, aqoontooda?, mise isku dayday inaad soo ogaatid inta dhaawacantay oo dhaawacoodu uu aad u kala duwan yahay… ? ma soo baartay tirada ardayda (dhaqaatiirta cusub) ee halkaas ku naf wayday?, ma la socotaa dadaalka iyo kifaaxa ay u soo galeen inay ilaa 6 sano ay Muqdishu gudaheeda waxbarasho adag ku soo dhamaystaan, ma qiimaysay inay maalintaa ahayd maalintii noloshooda uga qiimaha badnayd?, ma u fiirsatay in aqoonyahannadaas aysan jirin cid ay wax dambi ah ka ha galeen oo ay ku mutaysteen in sidaa naxariis darada ah loo laayo.. ?
Alla Xanuun badanaa… haddii ay jirto cid beegsnaysay Wasiirada Dowladda, maxay galabsadeen aqoonyahannada iyo waxgaradka kale ee halkaa lagu xasuuqay? Mise waxaa jira qaacidda saamaxaysa in falka noocaas ah la sameeyo? Waxaase dhab ah in Diinteena Islaamka ay qiimo u yeeshay dhiiga qofka muslimka ah, nidaamna ay u dejisay kii dambi galaa sidii looga oofin lahaa.
Alla Xanuun badanaa… Iinsha Allaah cidna xaq uma heli doonto inay wanaag Alle ku hesho inay disho cid aan waxba galabsan, waxaan aniga iyo Soomaali oo dhan meel kasta ay joogaanba sugaynay cidda falkaa sheegan doonta, balse ilaa iyo hadda ma maqal cid sheegatay falkaa naxdinta badan, marka laga reebo is eedaynta kooxaha is haya ka soo yeeraysa.
Alla Xanuun badanaa… waa dhacdo aysan Umadda Soomaaliyeed weligood illoobi doonin… waxaan tixgelinyaa hadalladii uu soo jeediyay afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo uu Alshabaab uga fogeeyay falkaas, waa run, waana aaminsanahay in maanta aan la heli doonin qof Soomaali ah oo ku faani kara falkaas waxashnimada leh, haddii uu soo baxana ay noqon doonto niyad jab.
Alla Xanuun badanaa… waxaase xanuun aan la illoobi karin ah, wiilkii dhallinyarada ahaa ee falkaas sameeyay, kollayba wuxuu falkaas sameeyay isagoo ku faraxsan, doonayana wax ka qiimo badan nolosha uu adduunka ku haystay, waayo qofka bani’aadmka wax uu nafsaddiisa ka jecel yahay ma jirto, waxa ku keeni kara inuu naftiisa huro waa wax uu is leeyahay waa ka qiimo badan yihiin midda aad adduunka ku haysto, in ilaa iyo maanta aanan la hayn cid falkii uu sameeyay ku amaanta ama xitaa sheegata inay qofka falkaa sameeyay uu iyaga ka mid yahay.
Alla Xanuun badanaa… in wiilkaas naftiisa huray, dadkii ay isku fikir ahaayeen ay ka aamusaan, talow sidii wax loo faray miyuu baal maray, kollay inuu wax dilo nafsaddiisana dilo waaba loo so diree, ma wuxuu dilay dad aan la doonayn in dilo? Mise marka uu falku dhacay kaddib, muuqaalka ka soo baxay ayaa laga argagaxay? (Alla taas wanaagsanaan lahaydaa!!), waa yaabee maxaa keenay inuu keligii ku noqdo falkaa u muuqda inuu ahaa mid qorshaysan oo muddo badan laga soo shaqaynayay?
Alla Xanuun badanaa… Tollow wiilkaas muxuu oran lahaa? haddii loo sheego, laguna yiraahdo tallaabadii aad qaadday waa la wada inkiray, cid kuugu taageersan ma jirto, waa laguu wada ciil qabaa, waxa aad samaysay ma aha wax wanaagsan, dadkii ku soo diray waa is qariyeen, waa kuugu keligaa.. .. runtii jawaabtiisa waa iska muuqataa… dhinaca kalena waxaa laga yabaa in aamusnaantaan ay fariin fiican u noqon karto dadka Soomaaliyeed ee niyad jabay, cabsida badanna ka muujiyay falkaan..
Alla Xanuun badanaa… mid baase oran lahaa, aan aamusnaantaan u fasirano in ciddii falkaan ka dambaysay ay iyaguba xanuunsadeen ayna doonayaan inay ka qoomameeyaan, sidoo kale aan u fasirano in ay farriin u tahay dhallinta u diyaarsan is miidaaminta noocaan ah, in iyagana beri la inkiri doono, oo weliba la cambaareyn doono.
Ilaah Subxaanahu watacaalaa, waxaan ka baryaynaa inuu waddada wanaagsan ee diinta Islaamka ah na waafajiyo, quluubta ummadda Soomaaliyeedna isku keeno.. aamiin … aamiin..
W/Qoray: C/llaahi Black
thank you very much my brother, but sincerly i dont believe that this babaric act has been planned by any muslims let alone somalis i got this kind of believe when i saw what happend in pakistan(rawalpindi mosque)a day ago and i hope this kind of act will never happen again in somalia.may peace prevail in somalia and the mercy of Allah be upon the dead
your brother,
axmad kenya
Alla xanuun badanaa;;; Somali dhan ayey xanuujisay, in qalbigoodu jiranyahay mooye sida kaa isqarxiyey iyo wixii la hal maala .aad iyo aad ayaan uga muragoonay dadkii qaliga ahaa ee halkas ku nafwaayey ,waxaan Allaha uga baryeynaa intii dhimatay Janadii inuu Allaha ka waraabiyo inta dhaawaca ahna caafimaad degdeg ah shacbiga somaliyeedna gaar ahaan bahda waxbarashada ineyan niyad jabin dadaalka waxbarasho halkaa kasiiwadaan musiibadana mid ka khayr Allaha ugu bedelo,aaaamiin.
walaasha dunia