Sahan uu albadri ku sameeyey sida ay Soomaalida u adeegsato aaladda Pal Talk)…
Stockholm – U maleyn mayo inuu jiro qof igu diidaya inaan ku saxanahay soo bandhigida xaqiiqda la xiriirta nolosha Soomaalida dhan walba oo ay ahaato. Anigoo dhabbahaas ku taagan ayaan sahan maalmo qaatay ku sameeyey aalada Pal talk-ga oo ah aalad ay Soomaalida in badan ku sheekeystaan, fariimaha isku dhaafsanaan siyaabo kale geddisanna u adeegsadaan.
Waxaan sahankeyga ka bilaabay inaan u kuur galo inaan eegeego tirade qolalka Pal talk-ga ee uu dal walbaahi leeyahay, taas oo aan ku ogaaday inay Somalidu tahay tan ugu qolalka badan adeegsiga Pal talk ee Qaaradda Afrika.
Taasi waxay igu dhalisay su’aal ah “Haddii ay Soomaalidu ugu qolal bateen Afrika, sideey u adeegsadaan qolalkaasi? ma ganacsi, wacdi, dib u heshiisiin, mise hawlo kale Ayaan is weydiiyey.
Ma jirin qof aan su’aalaha u bandhigo oo iiga jawaabaya. Waayo ma jiro maamul ay Soomaalid isla og tahay oo u maareeya qolalka Pal Talk. Laakiin waxaan go’aansaday inaan Pal talk qudhiisa ka wardoono.
Waxaan sameystay magac si aan u gali karo bogaga una dhegeysan karo waxa ay dadku sheegayaan, kaddibna waxaan ku dhaqaaqay inaan buug ku qoro wixii I xiise geliyey oo dhan xume iyo sammaanba.
Go’aanka ugu horeeyey ee aan qaatay markii aan qortay magacyada qolalka kaddib wuxuu ahaa inaan sameeyey liiska qolalka aan booqan doono iyo sida ay u kala horreeyaan. Qolkii iigu horeeyey ee aan booqday wuxuu ahaa qol lagu magacaabo QOLKA GUUSHA DOWLADDA ISLAAMIGA.
Qolkaasi magiciisa iyo hawsha ka socotay farqi weyn ayaa u dhexeeyey. Waxaan qolkan kala kulmay fajicii iigu horeeyey. Qolka waxaa maamulaayey nin dhalin yaro ah oo wata magaca CABDI_BAAARI, kaas oo dadkii qolkaasi ku jiray ku wargeliyey in qof aan madaxweynaha Dowladda KMG-ka ah ugu yeerayn Dr. Sheekh Shariif, kaddibna raaciyaan Xafidahulaah aana loo ogoleyn inuu ha hadlo qolka.
Dadka qolka maamulkiisa hayey ma qarsaneyn inay ka dhasheen Beesha Mudulood. Wayba ku faanayeen. Qofkii amarkooda qaadan waayana waxaa la saarayey calaamad guduuudan (red) ama waxaa laga tuurayey qolka.
Muddo igu filan ayaan dhegeystay doodihii qolka. Dood kasta oo la jeedinayo kama marneyn inay isugu soo aruurto cuqdada ka dhexeysa beelaha Mudulood iyo Madarkicis. Gunta doodahana waxay ahaayeen ammaan loo jeedinayey Mudulood, eedeymo loo jeedinayey Madarkicis (Habargidir) iyo dhaliilo loo hayey Murusade. Dadka jeedinayeyna waxay u badnaayeen dad dhalinyaro ah oo iska caadifeysan.
Markii aan fahmay dulucda qolkan ayaan u sii gudbay qol kale oo lagu magacaabo QOLKA DAILYNEWS LIVE CODKA SHACABKA MUQDISHO. Qolkani waxaa maamulkiisa waday gabar ku soo gasha SOPHIA_LOREN, wuxuuna ahaa qolkii hore cagsigiisa. Waxaa lagu ammaanayey hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys, waxaana murtad lagu tilmaamayey Madaxweynaha Dowladda KMG-ka ah.
Si la mid ah sidii qolkii kale, qolkanina waxaa lagu ammaanayey Habargidir waxaana lagu eedeynayey Mudulood. Labada qol waxaa ka muuqaneysay kala qeybsanaanta dhabta ah ee beelaha hubeysan ee Muqdisho.
Fajac iyo amakaag ayaan ka qaaday booqashadeydii labadaasi qol oo igu dhaliyey inaan dib u qooraansado dagaaladii 1992-dii.
Wax yaabaha yaabka lahaa waxaa ka mid ah in qolalkani marka ay isu duurxulayaan magacyadood adeegsadaan ereyo ay ka mid yihiin “QOLKA NAGU DHEGAN” “QOLADA DERISKEENA AH” oo loola jeedo hadba qolka laga hadlayo maahee qolka kale. Mararka qaar oo ay is caynayaan taageerayaasha Murusade iyo kuwa labadan Beeloodna waxaa la shidaa ruuxaan la yiraahdo HIRAAB inkastoo ay deg deg ku danto.
Qolalkani waxaa caadi ka ah inaad ku faanto qabiilkaaga, ammaanto inta aad doonto, kaddibna caydo qabilka kale, iyadoo hal beegu yahay wax ay yiraahdaan “KU TUF” oo ah caay meerin.
Beelaha ugu badan ee magacyadooda lagu rifo qolalkani waxaa ka mid ah Beelaha Habargidir, Mudulood, Murusade, Majeerteen (oo loo yaqaano MJ), Sacad iyo Mareexaan. Waxaana meesha ka marneyn Beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) oo qadka Pal Talk ay ku metesho hal naag oo ku soo gasha IRON_WOMAN, taas keligeed ku filan ragga beelaha kale u dooda ee KAADIRIINTA CAYDA ah.
Inta aan ku guda jiray maalmihii sahankeyga IRON_WOMAN waxay ka doodi jirtay bogga QOLKA GUUSHA DOWLADDA ISLAAMIGA, waxayna ka mid aheyd kaadiriinta ugu waaweyn ee doodaha dowladda lagu taageeraayo ka jeediyo qolkaasi iyadoo isla markaasina aan qarineyn magaca qoladeeda.
Waxaa dhacday inay qolkii oo ay xubinta sare oo xushmad leh ka aheyd wax kaga sheegtay Mudulood xilli la meyrinayey caay ku saabsan Habargidir taas oo ay ku muteysatay in qolkii laga mamnuuco oo ay isku dhacaan maamulihii qolka oo lagu magacaabo CABDI_BAAARI.
Sida aan ka fahmayey doodaha ku saabsanaa ka ceyrinta IRON_WOMAN laga ceyriyey xubinnimadii qolkaasi, waxay arrintu ka bilaabatay dood dhex martay iyada iyo gabdho Mudulood ah kuwaas oo ka carooday hadalkeedii kaddibna waxaa sidaasi arrintii loogu bandhigay CABDI_BAAARI oo isagana go’aankiisu noqday inuu go’aansaday inuu qanciyo gabdhaha Mudulood isla markaasna qolka ka saaro IRON_WOMAN.
Markii ay arrintaasi dhacday ayaan soo xasuustay dhacdo bishan horaanteedii ka dhacday TV-ga CNN. Arrintan waxay aheyd gabar lagu magacaabo Octavia Nasr oo u dhalatay Lubnaan balse muddo 20 sano tifaftiraha arrimaha Bariga Dhexe ka aheyd CNN ayaa waxaa shaqadeedii looga ceyriyey kaddib markii boga Tweeter-ka ee lagu sheekeysto ay ku qortay qoraal yar oo ay ku sheegeyso in ay ka xumaatay geerida Sayyed Mohammed Hussein Fadlallah oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha ururka Xisbullaah ee Lubnaan.
CNN waxay shaqo ka ceyrinta gabadhaasi ku sababeeyeen inuu Sayyed Mohammed Hussein Fadlallah yahay nin si aad ah u neceb Yuhuuda kaddibna sidaas darteed gabadhan sheegtay inay ka xun tahay geeridiisa ay tahay mid siyaasadooda ka soo hor jeeda.
IRON_WOMAN si la mid ah arrintaas ayey kalsoonidii QOLKA GUUSHA DOWLADA ku weysay kaddib markii ay u arkeen inay ka soo horjeedo danaha Mudulood.
Caradii ay ka qaaday ka ceyrintii qolkaasi darteed ayey u furatay qol kale oo ay iyadu maamusho oo ay cinwaan uga dhigtay QOLKA HAWIYE ALL SOMALI DEBATE. Qolkani waxaa isugu yimid dad badan oo ka mid ah kuwii isu arkayey in loo diiday inay codkooda ku dhiibtaan qolalkii ay kala maamulayeen CABDI_BAAARI (Mudulood) iyo SOHPIA_LOREN (Habargidir) ee lagu kala taageersanaa ragga kala hogaamiya Dowladda KMG-ka ah iyo Xisbul Islaam.
Waxaa jira nin doodaha Pal Talk caan ku ah oo ku soo gala magaca KHEEYRE. Wuxuu KHEEYRE sheegaa inuu yahay Murusade, wuxuuna aad u difaacaa magaca beeshaasi oo qof walba oo beeshaasi caayaya ama eedeynayana wuu la doodaa. Waa aftahan CAAY AQOON ah kuna wanaagsan inuu kala dhigdhigo ereyada aflagaadada ah marka uu la beegsanayo qabiilada uu sida aadka ah u caayo oo ay ugu horeeyaan Majeerteen, Habargidir iyo Abgaal.
Wax yaabaha uu KHEEYRE caanka ku yahay waxaa ka mid ah in marka uu joogo qolka GUUSHA DOWLADA ee ay maamulaan Muduloodkana uu caayo Habargidir, marka uu joogo Qolka DAILYNEWS ee taageerayaasha Xasan Daahirna si aad ah u caayo Muduloodka. Taageerayaashiisana ku caraadiya inay furtaan qol ay ku ciil baxaan oo ay cidii ay doonaan ku caayaan oo aan laga raacdeyneyn.
QOLKA GUUSHA DOWLADDA waxaa ka hadlaan oo taleefoono lagu soo geliyaa masuuliyiinta dowladda oo ay ka mid yihiin Prof. Dalxa, Jen. Gacmo Dulle, Janaqow iyo saraakiisha kale ee Dowladda KMG-ka ah kuwaas oo marka ay hadlayaan sheega inay guulo ka gaareen dagaalada ka socda Muqdisho, taageerayaasha dhegeysanaya waydiista inay soo garab istaagaan dowladda.
QOLKA DAILYNEWS waxaa inta badan ka hadla Sheekh Axmed Cali Gees oo ah wadaad Soomaaliyeed oo ka mid ah odayaasha Beelaha Hawiye garabka Axmed Dhoore, wuxuuna inta badan marka uu qolka ka hadlayo murtadiin iyo gaalo ku tilmaamaa Wasiirka arrimaha Gudaha Sh. C/Qaadir Cali Cumar oo ay heyb hoose wadaagaan iyo Madaxweynaha Dowladda KMG-ka ah Shariif Sheekh Axmed. Marmarna waxaa ka hadla Xasan Daahir.
Waxaan garaacay irrida qol la yiraahdo QOLKA SOMALI ISLAMIC DACWATU TOWXIID CENTER. Qolkani waxaa aad loogu taageersan yahay ururka Shabaab Al-Mujaahidiin. Dadka ka hadlayey aad ayey u koobnaayeen dhamaan dadkoo dhamina waxay ahaayeen kuwo degan oo qoraaladoodana ay kooban yihiin oo dhegeystayaal uun ah.
Way ka muuqaneysay inaysan dhamaan dadka ku jiray aysan wada aheyn taagerayaal Shabaab, oo waxaa dhaceysay in mararka qaar hadalo ka dhan ah shabaabka lagu soo qoro sabuurada qolka, taas oo qofkii sameeyana uu muteysanaayey in la saaro calaamadda guduudan (red), laakiin dadka laga tuurayey qolkani aad ayey u koobnaayeen intii aan booqanayey.
Qolkani waxaa ka socday Barnaamijyo ku saabsan taageeri loo raadinayey Shabaab, ammaan loo jeedinayey xubnaha Shabaab iyo Dhaleeceynta madaxda DowladdaKMG-ka ah kuwaas oo qolkan looga yaqaano “Murtadiinta” iyo AMISOM oo ah gaalo.
Waxaa ka hadlayey Masuuliyiin kala duwan oo Shabaab ah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Yuusuf Kabakudukade iyo Kuwo kale oo mararka qaar aan magacooda dhegeystayaasha loo shegeyn ama kunyadooda kaliya la sheegayey.
Inta badan qudbooyinkooda waxay ahaayeen kuwo si toos ah xiriir ula leh dagaalka iyo hadba meesha uu marayo, ragga hadlayeyna waxay mar walba sheegayeen furunta dagaal ee ay joogaan, mana aheyn wax ay la gambanayaan.
Qolalkani kuwo kale oo wata magacyo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Kismayoland, Reer Hebel-land IWM. Ujeeddada loo furayna waa in lagu caayo beelo ama shaqsiyaad masuuliyad haya.
Dhankii qolalka siyaasadda waan ka leexday kaddib markii aan ka badin waayey qolal ka hadlaya inta u dhexeysa kaaraan iyo Ceelasha Biyaha. Waxaana u beyray inaan eego haddii ay jiraan dad Pal Talk ku haya wax ka duwan Shabaab, Xisbul Islaam iyo Dowladda KMG-ka ah.
Waxaan booqday qol la yiraahdo QOLKA GUURKA XALAASHA ILAAHEY DARTIIS. Magaca wuu i soo jiitay oo waxaan is iri “kani ka duwan kuwii waallida” runtiina wuu ka duwanaa oo wuu ka deganaa.
Qolkani waxaa sameysatay gabar ku soo gasha magaca XIGTO oo sheegtay inay tahay reer Somaliland. Waxayna ujeedka qolka ay u furtay ku sheegtay “Inay ku sheekeystaan dhalinta guur doonka ah”. Habeen walbana waxaa qolkaasi la isku baraa tiro dhalinyaro ah oo wiilal iyo gabdho ah oo lagu waaniyo inay is guursadaan.
Marka si loo eego waa wax wanaagsan in guurka la dhiiri geliyo. Laakiin marka laga eego dadka qolka soo galaya oo magacyadooda oo dhami been yihiin iyo hawsha socota oo ah mid aan cilmi ku dhisneyn darteed waxaad ka dareemeysaa inay tahay hawl uun maaweelo ku saleysan.
Qoladanina ma khilaaf la’ayn. Muddada aan Pal Talk sahminayey waxaa qolkan isku qabtay gabadha iska leh ee XIGTO ah iyo nin ku soo gala DR.MACOW oo xiriiriye uga ahaa qolka. Isqabadkooda wuxuu keenay in la ceyriyo kaddibna intuu carooday ayuu furtay qol isla magicii leh oo ay asxaabtii qolka XIGTO gali jirtay ay ku qaldameen.
Laakiin XIGTO ayaa durba ka daba tagtay oo dacwad u gudbisay maamulkii Pal Talk, taas oo sababtay in DR.MACOW laga xiro qolkii uu furtay kaddibna qolalka kale intuu galo ayuu ka jeedinayey eedo ku saabsan sida ay ula dhaqantay XIGTO.
Qolalka Pal Talk ee siyaasadda looga doodo waxay saameyn xun ku reebeen dadka qaarkooda yara miisaannaa. Tusaale nin odey ah oo ku soo gala Pal talk HOODI_HOODI ayaa wuxuu caan ka ahaan jiray qolka DAILYNEWS ee taageerayaasha Xasan Daahir.
Wuxuu aad u taageersanaan jiray ururka Mujaahidiinta Alshabaab wuxuuna aad u dhaliili jiray dowlada KMG-ka ah. Waxaa dhacday inuu HOODI_HOODI u adkeysan waayo caydii qolkaasi loogu geysanayey beesha uu ka soo jeedo ee Mudulood, kaddibna wuxuu aakhirkii sheegay inuu yahay nin Mudolood ah wuxuuna u soo wareegay qolkii GUUSHA DOWLADDA ee ay isku aruursadeen taageerayaasha Sheekh Shariif, halkaas ayuuna taageere ka yahay hadeertan.
HOODI_HOODI oo markii hore dadka ka waanin jiray qabiilka, kuna waanin jiray in la taageero Shabaabka ayaa markii uu ka soo carooday qolka taageerayaasha Xasan Daahir wuxuu yimid qolkii reer tolkiisa. Waxaana meeshaas ka cad inuu mowqifkiisa isu bedelay sabab la xiriirta cayda beelaha.
Dadkan ay hormuudka u yihiin CABDI_BAAARI oo metelaya Mudolood, SOHPIA_LOREN oo Matesha Madarkicis, KHEEYRE oo metela Murusade iyo kuwo badan oo ku hadla magacyada beelahooda kuma jiro mid ay beeshiisa u wakiilatay inuu KAADIRKA CAYDA u noqodo qoladiisa, haddana ma jirto beel ka hadashay Pal Talk oo tiri KAADIRIINTA CAYDA nama metelaan.
Kala qeybsanaanta Soomaalida Pal Talk-ga gasha waxaa qeyb ka ah magacyada ay wataan oo ay ka mid yihiin: DAHAB_MUDULOOD, CEELBUUR_CADDE, ODEYGA_GURICEEL, CAADI_ISKA_DHIG, BUDBUD_GIRL, KELIGIIS_SHUBE, HOBYO_GIRL, XUDUR, WIILKA_JUBOOYINKA, CALMADOW_G, BOQORKA_GAROOWE, SAANLIBAAX_001 iyo kuwo kale oo tiro badan oo magacyo beeleed ah. Ama ku saleysan deegaanka beesha.
Doodahani iyo is caayitaanku marmar qaar aadbey ugu kululaadaan. Inta diinta la iskala baxo oo dadnimada la dhaafo ayaa waxaad is leedahay amey doorbidaan inay shaasha Computer-ka isaga soo dhax baxaan. Aflagaadooyinka dhacaya, qubxiga iyo gefafka lagu sameynayo beelaha waxaa sii dheer iyagoo isu goodiya oo is yiraahda “CAR HALKA AAD DEGAN TAHAY, HADDII INTAAN KUU IMAADO KAW KAAGA SIIN WAAYO” waxay ku kala badbaadaan oo kaliya waa inaysan weji ahaan isu aqoon oo ay magacyo been ah isku dagaalayaan shaashada Computer dhexdeeda, laakiin ceebta Allaah ha asturee lama asturna.
Dagaalkooda cayda ah waxaa hal ku dhig u ah kelmad la yiraahdo “KU TUF” oo loola jeedo aad u caay, waxaana qofka ama beesha lagu tufayo loo geystaa aflagaadooyin ab iyo isirba gaarsiisan oo diin ahaana dembi u ah akhlaaq ahaana ceeb u ah.
Taas bedelkeeda qofka ama beesha la amaanaayo waxaa hal ku dhig u ah ereyga “DUULI” oo la macne ah buunbuuni. Waxaana la duuliyaa masuulkii la ammaanaayo isagoo loo ammaano beeshiisa iyo wax tarkeeda, taas oo ay isu jiibiyaan inta markaas isku fekerka ah.
Beel-caayayaasha waxay isugu faanaan midba inta siyaasi ee beeshiiu leedahay, inta Janaraal, inta Dhaqtar iyo inta dagaal ooge. Tirada marna kuma jiraan shuyuukhda marka laga reebo kuwa dagaalama.
Waan ku wareeray Pal Talk. Sida qof badda ku cusub oo doon fuulay ayaan yalaalugooday. Gadgadoonka aaladan iyo siyaabaha ay Soomaalida u adegsato ayaa maskaxdeyda daalisay.
Waxaan booqday qolal badan oo ay ku jiraan kuwo fisqi lagu hayey, kuwo akhlaaqiyaadkii ka dhumeen oo dhaqan toosin u baahnaa iyo kuwo hawlo kale oo sillooni ka socdeen.
Anigoo quus jooga oo is leh “War Balooy Pal Talk ma xummaan uun baa loo furay?” ayaan soo gaaray qolal dadla diinta lagu barayey. Inkastoo qolalkaasu kheyr badan lagu hayey haddana waxay safka kaga jiraan qeybaha hoose waxaana ugu wanac tirade dadka booqanaya oo ka yar kuwa xumaanta lagu hayo.
Qolalka Kheyrka ka socday hawlaha lagu hayey waxaa ka mid ahaa: Barashada quraanka kariimka ah, barashada tafriisk, axaadiista iyo siirada.
Maskaxdii ayaa ii degtay. Waxaa layga dhaqay wasaqdii ay igaaga reebeen qolalkii u furnaa KAADIRIINTA CAAYDA ama BEEL-CAAYAYAASHA. Anigoo maskaxdeyda degan tahay ayaan dib ugu laabtay sahankeygii mar labaad. Kaddib waxaan soo galay qeybo kale oo Pal Talk ka mid ah oo ka duwan kuwa aan kor ku soo sheegay.
Marka laga reebo qolalka diinta Islaamka lagu baranayey qolalka kale ee aan booqday waxaa ugu deganaa uguna cay yaraa qol lagu lagu magacaabaa QOLKA NAF KU JECEL MACAANAA. Qolkan waxaa iska leh gabar reer Jabuuti ah oo degan Kanada, waxayna qadka ku soo gashaa WANAAGBADAN iyada ayaana maamusha qolka oo marka reer Soomaaliya oo is dagaali raba ay ragatana waxay tiraahdaa Muqdisho la aada dagaalka.
Qolkan barnaamijyada ka socda waxay leeyihiin magacyo gooni ah, waxaana barnaamij kasta u xilsaaran qof ka mid ah asxaabta qolka ku jirta oo looga dambeeyo. Laakiin waa maaweelo dhalinyaro oo aan akhlaaqdana ku xadgudbeyn.
Barnaamijyadooda waxaa ka mid ah.
1. KU TAG: oo ah barnaamij gabdhaha iyo wiilasha qolka ku jiro labo labo la isugu xulayo oo ay isku tagayaan (isdooranayaan). Barnaamijkan ka madax ah nin ku soo gala SHEEKH_FEYSAL oo dhalin yaro ah. Ninkani wuxuu daliishadaa aayado Quraan ah marka uu hadlayo, laakiin wuxuu isu xulayaa gabar iyo wiil isagoo dhahayo Hebeloow Heblaayo KU TAG. Gabadhii uu dhiibana xitaa haddii qofka ku tagaya aysan is aqoon ma diideyso waayo waa wax uun maaweelo ah ku eg sabuuradaas ay ku sheekeystaan. Waxaa loo soo tuurtuuraa ubaxyo ku soo qormaya Sabuurada. Labadii dooneysana meeshaas ayey is barasho ka bilaabayaan. Kuwii aan doneyna hadalka waa afka uun.
2. Sidoo kale waxaa ka jira Barnaamij ay ula baxeen (II OOY AAN KUU OOYEE): Waxaana wada nin ku soo gala QALAAYE oo ku xeel dheer heesaha. Waana barnaamij inta is taqaana goor dambe oo habeenkii ah intay iskula haraan qolka ku sheekeystaan iyagoo isu heesaya, misana heesaha oo dhami waa jaceyl oo si LIVE ah loo qaadayo oo kuma jiraan heeso cajal ah oo la shidayo.
Marka uu wiil u heesaayo gabar iyaduna way u ooyeysaa. Marka ay iyada u heesto ayuu isagana u ooynayaa sidaas darteed ayey barbaaminkooda ula baxeen II OOY AAN KUU OOYEE.
3. Sidoo kale waxaa jira tartan heeso ah oo ay sameeyaan. Waxaana loo tartamaa wiilal iyo gabdho, waxaana garsooraha heesaha inta badan u ah nin isagana aad u heesi yaqaana oo ku soo galo magaca ABAABIINA. Wuxuuna ku heesaa musik uu ka shido computerka oo kaddibna uu codkiisa ku laro, barnaamijkaasina waxaa isugu yimaadaan gabadho iyo wiilal boqolaal ah.
Dadka qolka ugu caansan waxaa ka mid ah wiil ku soo galo RIDWAAN oo ka soo galo South Africa waa dood yaqaan gabdhaha ku tufa, wuxuuna inta badan qolka ka raacdeeyaa naagaha uu yaqaano ee garoobada ah. Sidoo kale gabar wadata Macaga GACALO ayaa aad ugu dooda haweenka qurba joogta ah ee hooyooyinka ah, QALAAYE heesaha oohinta ah ayuu u qaabilsan yahay, CABDIQAFAAR nin la yiraahdo aad ayuu gabdhaha yar yar canaantooda u soo bartay, SHEEKH_FEYSAL gabdhuhuu ragga ku tag dhahaa, ABAABIINA waa garsooraha heesaha.
Qolka wax yaabaha isoo jiitay waxaa ka mid ahaa marka uu qof soo galo dadka asxaabtiisa ah ee qolka ku jiray hortiis waxay ku soo dhoweeyaan salaam cajiib ah oo miraheeda ay ka mid yihiin “DERISKA XALAASHA AH, WAAN KUU ISTAAGAY, ILAA AAD FADHIISO IGA DHAHDIDNA WAAN TAAGNAANAYAA”.
In kastoo qolkani ay leedahay gabar jabuutiyaan ah dadka soo gala waxay u badan yihiin Soomaali aan Jabuutiyaan aheyn. Waxaad dhamaantood ka dareemeysaa markii ay ku soo wareeraan qolalka kale ee Soomaalida inay kan iska soo galaan. Qolalka Diinta lagu bartaana waa faaruq oo qof u nasiino tagaa ayaa yar.
Ugu dambeyntii, bulshoy waa iga su’aale, intee naloo sitaa waa nala sitaaye? Xummaan waan ku faannaa wanaaganna waan ka xishoonaaye ma sidaas ayaa dan inoo ah? Ma qiyaamihii ayaa keligeen noo dhaqaaqaya? Ma anagaa ugu horreyna uunka la rogayo? Maxaan u weynay dad sida KAADIRIINTA CAYDA EE PAL TALK isugu hawleen xummaanta isugu hawla inay nabadda ka shaqeeyaan oo bulshada walaaleeyaan?
Koleyba BUKTADA AAN KU SOO ARKAY PAL TALK IYO BELADA TAALO MUQDISHO WAY ISU BIDHAAN EG YIHIINE ALLOW DHAN LOO BAXSADO ADIGAA LEH MEEL INOO BIXI.
Runtii sifiican uma sii dhex gelin paltalk, away qolalkii kuwa diinta ka baxay? away qolalkii lesbian-ka iyo gay-ga? hani_shun_dhere weli ma arkin?
kkkkk runtii waa sheeko layaab leh. waana ku mahadsanyahay walaalkeena sida sharafta leh ee uu isku xilqaamay inuu macluumad nagasiiyo war bixinta ku aadan aladaan cajiibka ah ee paltalk.
arinta kale ee xusida mudan waxa ay tahay sida uu ka dhawaajiyay walaaka kor kuxusan. waxan jeclaan laheen bal markale inuu daraasada ku noqdo uu bal macluumad kale oo dheerad ah nagasiiyo, marka laga sootago somalia isugu faaneysa qabiilka iyo waxa aan loojoogin.
waxan aad u jecleysan laha inuu ka hadlo walaalkena mowduucyada sida shukaansiga,iyo somalida qurbaha sida ay u dhaqan doorsameen.
wana mahadsanyahay Mr.Al-badri