Waxaan soo gocday sheeko uu sheegay nin da’ dambeed ahaa oo iiga qiseeyey waxa hada kahor ka qabsaday mar uu 80-aadkii si sharci darro ah kujoogey dalka Sucuudiga oo inta la qabtay la geeyel jeel lagu magacaabo Sijnul Mutakhallifiin ama xabsiga dadka sharci jebiska ah.
Wuxuu yiri qaarkeen baa la garaacayay markaas baa ninkii garaacayay wuxuu mar qura joojiyay garaacistii markaas ayaan is niri “Malaha intan ka badan la idinma sii garaaco“ balse xaal ma noqon sidii aanu ku haminaynay oo suunkii uu nagu jeedlayay ayuu wuxuu u taagey mid jaalayaashiisa ka mid ahaa markaasuu ku yiri “Hoo garaac markaaga gacantii baa i xanuuntoo waan daalaye“.
Waxaan arartan u leeyahay maalmahan ayaa waxaa soo baxayay warar la isla dhex xulay oo sheegaya in dhowaan Soomaaliya ay kusoo fool leeyihiin ciidamo ka socda dalalka Gobolka Geeska Afrika oo ay kuijiraan kuwo ka imanaya Itoobiya iyo Keenya, taasoo lagu mataaneeyey qaraxyadii Uganda ee laayaanka ahaa markaas baa waxaa igu soo dhacday max al baa loo danleeyahay mise qodista xabaalo cusub..?
Waan ogahay oo jawaabta la bixinayaa waxay hadba ku xirantahay xadka uu qofku ka fahamsanyahay halka ay sartu ka qurunsantahay iyo laga yaabee qolada uu la safanyahay laakiin maxsuulka ugu macquulsan ee usoo baxaya Soomaali kasta oo ay weli duxi ku dambeyso waa inaanay keeni doonin wax Soomaali u dan ah maadaama aanay dadkeedii ahayn.
Oo waayo inkasta oo ay maanta dalka kajiraan dhibaatooyin badan oo ay dhaliyeen kooxo aan la aqoonin waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidanyihiin iyo dowlad magac u yaal ah oo bilaa mabda’ lagu tibaaxi karo hadana fikrada iminka laga dhawaajiyay waa uun ka daroo dibi dhal.
Qolooyinka isku dilaya magaalada Muqdisho iyo meela badan oo ka tirsan koonfurta Dalka ayaa u muuqda kuwo aan wax badan is dhaamin marka aad aragto afcaasha ciladaysan ee ay umada kula jiraan, waayo midna wuxuu ku shaqeeyaa aragtida niman daalimiin iyo dembiilayaal ah oo saaqidiin ah oo aanay jirin wax ay ka naxayaan kuwaasoo dadkii ay dalka ka qixiyeen uga daba tegaya dal iyo dibadba halkii ay u qaxeen, sida wixii ka dhacay Kampala iyo mudaaharaadkii Nairobi oo intaba Soomaalida laga bilay.
Waxay kooxda Alshabaab sheegatay inay u aarayeen dadka Soomaaliyeed ee jooga Muqdisho balse waxaan laga fikirin kuwa boqolaalka mayl ka fog Soomaaliya ee nafta ula soo cararay isla Kampalada la qarxiyay iyaga yaa u maqan, wejigeese la hortegeysaa duul aad maalin qura ka dishey 80 qofood, iyaga ahaan Soomaaliyi waa u Soomaali ee maxaan u garan la’nahay midaas.
Kuwana ilaa 2004-tii ayay la taagan yihiin aduunka ayaa na aqoonsan laakiin howsha ay dalka ka qabteen oo dhami waa inay keenaan ama u baaqaan ciidamo shisheeye oo aan wax kale ku toorneyne umadda masaakiinta ah uun madaafiic ku asqeeya, markii ay taasi ku filnaan waydayna iminka u yeeranaya cadow kale (Itoobiya) oo la ogyahay doorka qaybi oo xukunka ah ee ay ku leedahay taariikhda Soomaaliya oo kasoo kici la’ hagardaamooyinka caalamiga ah iyo wax garad la’aanta dadkeeda.
waxay Soomaaliyi ku hal qabsataa “NIN KU DILEY HAR KUUMA JIIDO“. Inagoo taa ka shidaal qaadaneyna waa inaan wax ka baranaa waayaha nasoo maray midna qandiga salka halaga dhigto qaranimo Amxaaro loogu geed fariistay wallee inaan la calfanin ee cid kale taa halala kaashado.
Mida kale madaxweyne Shariif waa aanu naqtiiminin khaladkii Cabdulaahi Yuusuf iyo casharkii horay looga bixi waayay hadii uu doonayo inuu ka takhaluso kooxahana waa inuu taa ka iibiyaa marka hore shacabka Soomaaliyeed oo sida muuqata uu iminkaba in badan oo ka tirsan uu ku waayay madaafiicda Amisom, farataysiga askarta maamulkiisa iyo dagaalada aan lagu kala adkaanin ee gelgelinta ka dhigay magaalo nololi ka jirtey maalintii ugu horreeysey ee magaciisa laga maqlay saaxada siyaasada Soomaaliya, marka yaan lagu kadsoomin Amxaaro iyo Keenyaan la yiraahdo Xamar bay xal ka keenayaan, wallee way xabaala badinayaan.
Kooxaha dowladda la dagaalamayana waxaa la gudboon inay joojiyaan inay damocooda diin ka dhigaan oo inta Allahood ka baqaan joojiyaan loogitaanka shacabka oo u dhexeeya mid ay iyagu qaleen, mid ka cararay oo bada ku qaraqmey, mid ay qoowlaysi bareen iyo mid lagu qabtay dal shisheeye oo lagu nabay inuu iyaga la shaqeeyo.
Maalin hore waxaan arkayay mudaaharaad la leeyahay waxaa abaabuley Al Shabaab oo looga soo horjeedo keenista ciidamo shisheeye gaar ahaan Itoobiya, fadlan caqligu ha shaqeeyee hadiiba aanad 3 kun oo askari oo ka dhibaata yar kuwa soo socda aanad ka riijin karaynin dhufeysyada ay kujiraan maxaa diidan inaad la hadashid kan kula dhashay ee aad dalka wada leedihiin si kuwa joogaana u baxaan iyadoo aan caruurta, haweenka iyo maxasta la laynin kuwa imanayana ay u baaqdaan..? runtii waa ceeb inaan noqono riinge lagu feertamo iyo saxare hubka iyo cududa milateri lagu tijaabsado..!
Ugu dambeyntii…Wax kasta xal ayaa laga gaari karaa waase in taa la aaminaa marka hore Soomaalida waxaa lagu sheegaa dad karti badan, is jecel, caqli badan laakiin marka aad eegto waxa ay maanta gacmaha kula jiraan waxaa kuuso baxaya aragti kale, sababtuna waxay tahay weerka la leeyahay isagu ariga ha jiro taasoo salka ku haysa qabyaaladda iyo jahliga nala degey oo hadii aan isku raacsanahay 98% aynaan iskugu sabri karaynin 2-da soo hartay ee xeer jajabka lagu xalin karo.
Sidoo kale waa inaan garanaa in waxa loogu yeero beesha caalamku (reer galbeedka) inaanay teena ka shaqeeyneynin, waana nalaku xantaa axmaqnimo laakiin yaynaan isku marqaati furin oo aynaan oranin ninkii qarniyo ku haminayay inuu nolosha kugu aasho ayaa maanta ka shaqeeynaya dhismaha aqalkeena oo aanu waxyar ka xusuusano wixii Amxaaro ka sameeysay koofurta dalka iyo ihaanaysiga iyo bahdilka ay ku hayso kuwa woqooyi.
Ciidamo kasta oo la keeno xitaa hadii ay yihiin kuwa dunida ugu xoogan waxba kama bedeli karaan isle’egta siyaasadeed ee dalka Soomaaliya waayo waxaa tusaale noogu filan Ciraaq oo ay joogaan in kabadan hal milyan oo askari, laakiin waa in kooxaha Soomaalidu la yimaadaan mubaadaro geesinimo leh oo ay u daneeyaan dadkooda…Xalku wuxuu kujiraa gacanteena hadii Alle idmo ee taa yaan la iloobin..?