Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey!.

Soomaaliya marka la xuso ama la sheego magaceeda, waxaa lagu xiyaa dagaal, dhac, boob, qarax, iyo burcad nooc walba leh, waxaa lagu sidkaa gaajo, abaaro, iyo macaluullo, ka dhashay gabi ahaan dawlad la,aan iyo qorsha xumada baahsan, tanina waxay dhalisay in Soomaaliya noqoto howga halaagga iyo silica aan soohdinta lahayn, noqoto magac u yeelka dhib kasta oo la kari waayo ama daba dheeraada, heer ay gaartay in dalalka qaar Soomaalida loogu yeero magacyo dhaliillo iyo muujinaya xumaan!.

Soomaali waxay ka mid -noqotay shucuubta dunida kuwa ugu qaxootiga badan, waxaa iska yaraaday dunida wadan aysan joogin!, tani waxay dhacday 20-kii sano ee burburka qaran lagu jiray, wixii ka horreeyey socdaalkoodu aad buu koobnaa, maxaa yeelay baahi dhoof loo qabay ayaanba jirin, cad iyo caano, bar iyo beer ama bad iyo Barbarey(Carsaanyo) qof haystaa, miyuu baahi u qabaa dibad uu aado?!, warcelintu waa maya hubaal shaki la’aan ah, ganacsi waxbarasho iyo isdhexgalku waa gaarkooda.

Soomaaliya waxay ahayd dal magac iyo mug ku lahaa dariska iyo dunida, waxay ahayd dal wax laga weydiiyo ama ay ka go’do talada gobolka iyo gayiga!, waxay ka qayb qaadatay aas-aaska ururro waaweyn sida: Ururka Wadamada Dhexdhexaadka, Ururka Dunida Muslinka, Ururka Midawga Afrika, Urur Goboleedka IGAD IWM, maantase waxay maraysaa inay noqoto wadanka adduunka ugu taagta daran ama ugu qiimaha liita!, dhan walba marka laga eego, maxaa yeelay waxay gaartay meel aad u hoosaysa.

Horudhacaa tiiraanyada badan ka dib, waxaan jeclaan lahaa inaan kormar gaaban ku sameeyo, wacdarihii Kaynaan ka dhigay furitaanka koobka adduunka, oo si habsima leh uga socda wadanka S/afrika, iyada oo in badan la sugayey dhacdadan, dad badan oo Soomaali ahna ay u hanqal taagayeen inay indhahooda ku arkaan, qaar kale ayagu kuba ducaysanayey inaan geeridu u soo gaban, inta aysan indhahoodu doogsan ashqaraartii xafladda furitaanka.

Nolosha qofba kaalin ayuu ku leeyahay, qofba waajib ayaa saraan, mid gaara iyo mid guud intaba, haddana qof walba waa siduu uga soo dhalaalo, ama u guto xilka dusha u suran, qof waa habacsane aan hiil iyo hoo midna laga sugayn!, qof waa af iyo calool, u jooga wuxuu cunaha mariyo, qof waa halyey umaddu ku soo hirato, qof waa kaahiye iftiimiya hilimada mugdiga iyo gudcurka ah, qof waa dibaadi aan dadaal iyo daacadnimo looga fadhin, qof waa badbaadiye ka hortaga balaayada.

Aan u laabanno ujeedka qormada, Kaynaan waa fannaan caan baxay, ku nool wadanka Canada, sanadkan wuxuu ku guulaystay inuu qaado heesta furitaanka koobka adduunka, xafladda furitaanka Kaynaan wuxuu ka dhigay wacdaro aad loola yaabay, wuxuu qanciyey Soomaali inta wadaninimadu ku jirto, mayee wuxuu soo jiitay in badan oo ka mid ah dadka dunida ku nool, isaga oo ka xadraysiiyey intii goobta joogtay.

Xilliga ugu quruxda badnaa wuxuu ahaa, kolkuu soo hugtay calanka Soomaaliya, ee afarta koone ee garoonka ula jeesjeestay, si ay dhammaan indhahoodu ugu dhoco, midda ka sii quraxda badnayd waxay ahayd, markii ay fannaantii la jiibinaye heesta, ay lulayeen calanka buluugga ahaa, yaanan ka tagin, in lagu duubay gurbaanadii la garaacayey midabka calanka Soomaaliya, ayna goobtii u ekaatay giirka cirka, halkaa waxaa si heersare ah kor loogu qaaday magaca iyo muuqaalka Soomaaliya, waxaana ammaanteeda iska leh fannaanka weyn ee Kaynaan.

Kaynaan wuxuu taariikhda ka galay baal dahab ah, dhan walba marka laga eego, bal si fiican u dhugo, maanta xaalka ay Soomaali ku sugan tahay: argagixiso, burcadbadeed, mooryaan, intaas iyo in kale ayaa Soomaali la degay, kolkaas ayuu Kaynaan ka dhigay wax kale, ma ahan inuu xumaanahaas badalay, balse ugu yaraan waxaa saacado, maalmo, iyo bilo lagu xusaasan wanaaggaa uu Kaynaan soo hooyey, qofkii Soomaali ka aaminsanaa xoolo, uu garan doono inay dadka la siman yihiin, awood u leeyihiin inay wax curiyaan ama wa soo saaraan!.

Halyey qaran oo hiil muuqaal iyo mid macnawi ah intaba Soomaali u galay, iga dheh wiil hawshiisii ka soo baxay, Kaynaan waa fannaan Soomaali u soo hooyey magac aad u weyn, inaga oo la daalaa dhacaynna tilmaamaha aan soo sheegnay, Kaynaan wiil aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisa, wiil wadaninimadu ay lafaha ka gashay dhuuxana u dhaadhacday, daljeclidiisu uma baahna daliil iyo qiil, maxaa yeelay waxaa nooga filan inta uu muujiyey.

Soomaali waxay caadi ka dhigatay, habaarqabe kasta ee dhiba ama halaaga, inay ku tilmaamaan halyey, balse ninka magacooda u dhibtooda ama u harjada siduu kor ugu qaadi lahaa, waxay ku tilmaamaan inuu yahay dabadhilif shisheeye kalkaal ah, doqon aan damiir lahayn oo aan tolka ku dhex jirin, taas waa nacasnimada la degtay ee ay la kala garan la’yihiin wanaajiyaha iyo walaac abuuraha.

Tan kale dunidu Kaynaan iyo Soomaaliba waxay ku abaalmarisay fan, wadaad madaxa soo duubtana wuxuu maanta la taagan yahay, inaan la dhagaysan karin fan iyo suugaan, saw la yaab ma ahan hobolnimada laga hortagayo? Waxay aas-aas u tahay la dagaalanka dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, ujeedku waa dhaqanguurin iyo dhalanrog, malaha ajandahaba kuma darsan in wixii ay reebeen ama diideen lagu mudan sharaf iyo shakaal!.

Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa maanso aad u macaan, oo Abwaan Cabdiraxiin hilowle Galyr u mariyey Fannaanka weyn ee kaynaan, haddaba aan idiin kala boxo idinka iyo maansada ee ka bogosho wacan.

Kolkay badaha u baqooshay

Kolay kala baadday badiba

Kolkay kurbadiyo xanuunka

Kadeedka badeen dadkeedu

Kacdoonkiyo dhiilladiisa

Kolkay saxariir ka qaaday

Kolkay kallahaada badisay

Kolkay kooraha dul saartay

Ee ay keenaysay Awrka

Kolkay kala guurtay badiba

Kolkay geeddiga billowday

Kolkay Kanadiyo Maraykan

Kolkay Yurub kooxi gaadhay.

Kunbaa dhaqankooda diiday

Kunbaa diintii kahdoodoo

Kunbaa kasi waayay talada

Kooxiba meelbay u baydhay!.

Kartida waa loo dhashaa

Kaskana waynahaa baxsha

Kalsoonidu waa hoggaan

Kaynaanbaa calankii sida

Keligiis buu taagan yahay

Kulan ay kuman malyuun

Ku loolamayaan dadoow

Waxuu kor u qaadayaa

Kor dahab calankii ahaa

Kuwii garabkiisa iyo

Kaltanka la wadaagi laa

Iyagaa is kadeedayoo

Kurkay iska gooynayaan

Kaaray isku weeraaraan

Koox koox bay kala noqdeen

Kursi bay wada doonayaan

Kaskeedana ruux lehiba

Kuligood kuma wada jiroo

Kuus lacagay wada rabaan

Allow Kaynaano badan

Kun wiilo magaca sida

Kitaabada kuwa qoriyo

Kubadda kuwa dheela iyo

Kuwo orodyahanahiyo

Kuwa hindisiinahoo

Aduunka ku soo kordhiya

Waxay keeneen iyagu

Kor yeelana magaca iyo

Kaalinteennii dadnimo.

Kuwaan laga maarmi karin

Kartiyo diin iyo aqoon

Wadani kaafiya dadkaan

Kariimoow Adigu keen.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi.

brdiraa@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>