Siduu khilaafku u soo kala dhexgalay madaxda dawladda Islaamiga ah, waxaa sii xumaanaya xiriirkii gaabiska ahaa ee dhexeeyey, in kasta oo qaab ahaan wajigii koobaad laga gudbay, waxaan uga jeeda murankii ku aadanaa guddoonka baarlamaanka, macnaheedu ma ahan inay dhammaatay far-ku-fiiqidda iyo wax ka sheegidddu, balse si ahaan unbay arintaasi u xallisan tahay, maadaama maanta uusan muran ka jirin guddoonka baarlamaanka, waxaase wali sartu ka quransan tahay is faham xumo dhextaal madaxda sare ee dawladda, sida: Madaxweynaha(Shariif), ra’isul wasaaraha(Sharmarke) iyo guddoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka(Shariiflacag).
Mashaqadu waxay ka dhacday, markii Aadan Madoobe ku adkaystay inuu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee golaha baarlamaanka, taas oo dhalisay isqabqabsi ballaaran oo ka dhexdhacay golaha, inta la is-jiijiidayey madaxda ugu sarraysa dawladda waxba kama oran, arintaas oo laga dhadhansan karo inay labada garab mid la safnaayeen, balse qolo kasta waxaa daadku ugu soo galay dhufayskooda, ka dib markuu Aadan Madoobe laad ku dhuftay xukuumadda Sharma’arke, kuna tilmaamay mid dhacday sharci ahaan, tallaabadaa waxaa xigay in Sharmarke ku eedeeyey Aadan Madoobe Khiyaamo qaran, isagoo dhaliil dusha uga tuuray.
Iyada oo labadaa weerar ee afka ah la isdhaafsaday, ayaa waxaa subixii xigay shir jaraa’id wada qabtay labada Sheekh ee kala ah: Aadan Madoobe iyo Sheekh Shariif, Aadan Madoobe oo lagu qanciyey inuu iscasilo, markii horana lagu kari waayey inuu meesha isaga tago!, dhanka kale madaxweyne Shariif ayaa gef siyaasadeed ku dhacay, ka dib markuu sheegay inuu kala diray xukuumadda Sharmarke, uuna soo magacaabayo ra’isul wasaare cusub, oo soo dhiso doono xukuumad cusub, Sharmarke isna dhankiisa ayuu gaashaanka u daruuray hadaaqa shariifka, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa sharci tahay, uuna diyaar u yahay inuu horgeeyo golaha baarlamaanka si loogu qaado kalsooni!.
Dirir afkeedkaa oo kolkii hore u dhexaysay Aadan Madoobe iyo Sharmarke, ayaa safka hore waxaa ka soo galay madaxweyne Shariif, isaga oo waliba isku dayey inuu dhinac u rito Sharmarke, halkaa Sharmarke waa lagu garbiyey haddaan si kale u dhahno waaba lagu goobtay, godoomiyihii hore ee baarlamaanku wuxuu sheegay in xukuumaddiisu dhacday, madaxweynihuna wuxuu saxiixay inuu kala diray xukuumadii Sharmarke, garab riixaas ka dib Sharmarke wuxuu ku adkaystay mawqifkiisa ah in xukuumaddiisa sharci tahay, sida aan soo hormarinayba, xaruntii ay go’doonka ku ahaayen waxay gashay qalqal siyaasadeed, iyada oo markii horaba iska qalqalsaneyd, haddaas ka dib maxaa dhacay?.
Laba maalmood oo madax isku hiigayey ka dib, madaxweyne Shariif wuxuu soo saaray waraaq oo kaga laabanayo hadaaq siyaasadeedkiisii hore, isla maalintaasna wuxuu u duulay dalka Turky-ga, siyuu uga qayb galo shir looga hadlayey arimaha Soomaaliya, dhambaalka cusub oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, mar wuxuu ahaa guul u soo hoyatay Sharmarke, marma wuxuu ahaa neecaay qabow iyo saxansaxo udgoon oo martay, madaama laga cabsi qabay in xukun maruuqsi meesha ka dhaco, iyada oo waliba la saadaaliyey in xukuumadda loo magacaabi doono in hayb kale ah!, taas oo caqabaddeeda lahaan kartay.
Loolankii iyo isgarbintii ka dhextaagnayd madaxada dawladda, waxaa ku baxay laba nin oo kala ah: Aadan Madoobe oo isagu ku guul darraystay inuu ku sii dhaganaado guddoonka baarlamaanka, balse ku guulaystay inuu abuuro khalkhal siyaasadeed iyo jahawareer, ninka kale uu ku baxay waa madaxweyne Shariif, Sheekhu wuxuu ugu baxay isaga oo lumiyey hambo sumcadeedkii u hartay, ee uu ku jidmari lahaa ama jiscinka ka dhigan lahaa, bilaha uga haray xukun maliilkiisa, labada Sheekh malaha riyo ayey iska dhaadhicyeen?, mise iyaga oo soo jeeda ayey is marin habaabsheeen? Sida ay noqotaba waxay u xisaabtameen sidii wadaad qandi wata oo kale, micnaha waxaysan maanka gashan ama xisaabta ku darsan, inaan la dhahayn wadaadada yaan laga daba hadlin!.
Xarigjiidkaa gaaban ee dhexmaray madaxda sare ee dawladda, ma ahan mid sidaa ku xallismay, waxaase jira wali in la isu aamusan yahay, aamusku ma ahan mid ka dhashay xishood iyo sarriig, ee wuxuu u egyahay in la isu midiya tumanayo, ama la isu midaya sahanayo, sababtoo ah maalintii la doortay shariif lacag ilaa maanta wali ma dhexmarin kulan sadaxdoodu u dhan yihiin, taas ma ahan inay ku mashquulsan yihiin sidii dalkaan loo samata bixin lahaa, ee mid walbaa wuxuu gafuurka u taagayaa kan kale, yaabka aduunka!, doonta hallaaga ninba hadduu dacal ku dhago, ee yiraa Aniga ayaa darawal ka noqonaya, saw ma ahan dabinka halla sii duugo, oo yuusan daraf ka muuqan!!!.
Midayaha la isu sahanayo, ma noqon doonaan kuwo dhiig badan daadsha? Mise waxay noqon doonaan booto iyo muujin birbiriqa xalleefka madida? Mise waxay noqon doontaa mid siyaasad ahaan la isu khaarijiyo? Ma ahan inaan isku colaadinayo ama aan fidno ka dhex abuurayo, ee midda hore waa dhib dhib ku dar, maxaa yeelay xilligaan colaad kale loom taag hayo, tan dhexda ah waa afkanoolnimo iyo gurxan aan miciyo lahayn, tan ugu dambaysa waa midda lagu yaqaan siyaasadda, ee ah in qof siyaasad ahaan loo dilo, ma ahan in nafta laga jarayo ama jirkiisa wax la gaarsiinayo!, ee sumcad ahaan ayaa loo duugaya, si uu khadka siyaasadda uga boxo, isaga oo fongoran canbaarina ku taal!.
Kala aamuskii iyo isu midiya sahashadii waxay dhashay, in si wadar ah ay isu casilaan wasiiradii xukuumadii Sharmarke, malaha waa qorshe lagu maja xaabinayo Sharmarke, maadaama uu ku guulaystay wareeggi ahaa, in kaligiis laga taqaluso, markaas ayaa waxaa laga soo maray dhan kale, oo ah inay iscasilaan wasiiradu, mise waxay tahay aragti ay wasiiradu is tuseen ama u muuqatay oo ah: kollay meeshan lama sii joogayee inta aan mididu idiin xiirin is garta, midda ay noqotaba waa fashal la sugayey inuu dhoco, qaabkase lama garanayn, maxaa yeelay mar haddii khilaaf laga dhammaan waayey miyeysan ahayn fashal taagan ama imaan kara xilli walba?.
Haddaan jalleeco wax yar, iscasilaadda wasiirada iyo hadaladooda, aanna ka soo xusho Indhacadde, wuxuu yiri: “waxaan u jeestay cibaado iyo cabsi Alla!”, waxaa iga su’aal ah Soomaaliyeey: kii idiin xasuuqaa dil iyo dacdaro idiinkugu dadaala, muxuu ugu dambayn u yiraa: “halla i cafiyo, iyo cibaado ayaan u jeesanayaa!”, maalmo kama soo wareegin markii Aadan Madoobe lahaa: “halla i cafiyo!”, sanadna kama soo wareegin markuu C/laahi Yuusuf lahaa: “halla i cafiyo!”, isaga iyo Innaga oo og waxa uu gaystay iyo falalka uu ku kacay!, Indhacaddana maanta ayuu leeyahay cibaado ayaan u jeestay oo siyaasadda waan isaga baxay, waaba su’aale awal ma siyaasad ayuu ku jiray?.
Arinta la yaabka lehi waa, iyaga oon dhurballaan iyo xukun dhidibo adag ku taagan midna lahayn, ayey sidaan jaqjaq iyo muran aan dhammaad lahayn ugu jiraane, haddii ay kob dhul ah ka talin lahaayeen muxuu xaalku noqon lahaa? Malaha wuxuu isu badli lahaa goobtaan Anaa ka ariminaa ee Adigu isaga tag? Illeen iyaga oo aan cidna u talin melina aysan haysan ayey sidaan dabada isu haystaane, hadday meel cayiman ka talin lahaayeen xaalku sidaan waa ka sii darnaan lahaa.
Ugu dambayn dawladdan ka dhammaan la’ khilaafka, ka dhammaan muranka, ka dhammaan hanti boobka, ka dhammaan isjiijiidka, ka dhammaan kursi kala badalashada, ma ahan mid xal soo waddee, may umadda ka horeegto, inta goori goori tahay way habboon lahayd inay duqawda is gartaan, si isbadal u dhoco, hubaal in loo hamuun qabo isbadal madaxeed oo dhaca, balse sidaan iyo si la mid ah kuma imaanyo, waxay arini ku idlaatay isma dhaanto iyo dhasheed, qabqable iyo wadaad mid mid ka roon la waa!.