Amnesty oo soo saartay warbixin

Amnesty International warbixin ay ka soo saartay qaaradda Africa oo ay kaga hadashay xaaladda waddamo badan oo dagaallo iyo khilaaf uu ka taagan yahay oo ay ugu horeyso Soomaaliya.

Warbixinta Amnesty

Warbixinta ayay kada hadashay saddexda goobood ee ugu colaadda badan qaaradda Africa, waa Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Congo, Soomaliya iyo Sudan.

Congo, waxey diirada saartay dhanka bariga oo Amnesty sheegeyso in dad rayid ahi ay saxariir ka mudanayaan, gacanta ciidamada dolwadsa iyo kooxaha jabahadda.

Amnesty waxeey kaloo sheegtay in Soomaaliya gudaheeda ay dad rayid ahi ay si xun ugu hulaaqmeen colaadda, qixisay kumanaan qof, laguna dilay boqolaallo qof colaad xoog leh oo ka jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxeey kaloo warbixintu xustay, dilka iyoa fduubka lagula kacay shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta.

Sudan, Amnesty waxeey sheegtay, in ay ka dhaceen xadgudubyo is xigay, oo ay ku jiraan, dil ku xukumid xubna ka tirsan koox jabhadeed, shaqo ka joojin lagu sameeyey, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, iyo in dalka laga saaray dhowr heyadaha gargaarka ah, tasoo ka dambeysay markii ay weerareen caalami ah laga soo saaray in la soo xiro Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashir.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>